Raysal-wasaare Rooble oo Amray in la soo Qabto Dablay Dishay Saraakiil Millateri

MAXAMED XUSEEN ROOBLE RAYSALWASAARAHA SOOMAALIYA 2020
MAXAMED XUSEEN ROOBLE RAYSALWASAARAHA SOOMAALIYA 2020

Dhuusamareeb(aftahannews):- Ra’iisal-wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble, ayaa amar ku bixiyay in si deg-deg ah loo soo qabto dadka ka danbeeyay dilka Saraakiish dhawaan lagu laayay waddada isku xidha degmooyinka Guri-ceel iyo Ballanbale ee gobolka Galguduud.

MAXAMED XUSEEN ROOBLE RAYSALWASAARAHA SOOMAALIYA 2020
MAXAMED XUSEEN ROOBLE RAYSALWASAARAHA SOOMAALIYA 2020

Ra’iisal-wasaare Rooble, ayaa sheegay in dadka falkaasi ka danbeeyay ahaayeen kuwo arxan -laawayaal ah, isla markaana uu amarayo Laamaha amniga Galmudug in ay si deg-deg ah u soo qabtaan; si sharciga loo horgeeyo.

War hor dhac ah oo ay soo saareen guddi ay dhawaan Galmudug baadhitaanka arrintan u saartay, ayey ku sheegeen in ay qabteen dad lagu tuhusan yahay in ay ku lug lahaayeen weerarka lagu dilay saraakiisha, balse wali baaritaan lagu hayo.

Sababta toogashada Saraakiisha ciidanka keentay, ayaa lagu sheegay in ay la xidhiidho aano qabiil, hasse ahaatee waxaa arrintaa ka hor yimid Taliska ciidanka millitariga Soomaaliya, kaas oo mas’uuliyada weerarkaa ku eedeeyey wax ay ugu yeedheen fal argagixiso.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.