Beesha Caalamka oo War iyo Baaq ka Soo Saartay Xaaladda Doorashada Soomaaliya

BEESHA CAALAMKA OO TALO U JEEDISAY SOOMAALIYA 2019
BEESHA CAALAMKA OO TALO U JEEDISAY SOOMAALIYA 2019
Muqdisho(aftahannews):- Beesha caalamka Soomaaliya taageerta, ayaa War-saxaafadeed ay soo saareen galabta kaga hadlay xaaladda doorashada Soomaaliya iyo tallaabooyinka loo baahan yahay in la qaado, iyagoo baaq u diray Masuuliyiinta iyo Dowladda, Maamul-goboleedyada iyo Xisbiyada.
Beesha Caalamka
Beesha Caalamka
Waxay Saaxiibbada Soomaaliya ee dunidu ugu baaqeen madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada in ay yeeshaan kulan deg deg ah, si loo xalliyo tabashooyinka geedi socodka doorashooyinka iyada oo loo marayo is afgarad si ay dalka uga dhacdo doorasho ay ku wada qanacsan yihiin dadka Soomaaliyeed iyo dhammaan daneeyayaasha.

Beesha caalamka waxay soo dhoweysay ballan-qaadkii Ra’iisul-wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee ah inuu ugu yeero hoggaamiyeyaasha kulan ka dhacaya magaalada Muqdisho ka dib booqashooyinka uu hadda ku marayo Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka.

“Saaxiibada Soomaaliya ee caalamiga ah waxay weli si weyn uga walaacsan yihiin khilaafaadka socda ee ku saabsan hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka 2020/21. Wadahadal iyo heshiis dheeri ah ayaa sidoo kale loo baahanyahay si loo xaqiijiyo qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ee gudiyada, ergada dhexdeeda iyo kuraasta barlamaanka,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Warsaxafadeedka waxaa lagu sheegay in beesha caalamku diyaar u tahay inay taageerro siiso guddiyada doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed mar haddii wada hadal lagu xallinayo khilaafka ka dhashay qaab dhismeedkooda. Waxay beesha caalamku ugu baaqday dhamaan daneeyayaasha doorashada inay ka waantoobaan hadalada ama ficilada abuuri kara xiisado ama hurinta rabshado.