Kenya Maxay ka tidhi go’aanka Dowladda Soomaaliya Xidhiidhka ugu Jartay?

Afhayeenka Kenya Cyrus Oguna
Afhayeenka Kenya Cyrus Oguna

Nairobi(aftahannews):- Dowladda Kenya, ayaa sheegtay in aysan ka aargoosandoonin Soomaaliya ka dib markii dowladda federalka Soomaaliya ay ku dhawaaqday in ay xiriirka u jartay Kenya.

Afhayeenka Kenya Cyrus Oguna
Afhayeenka Kenya Cyrus Oguna

Soomaaliya ayaa xiriirka ugu jartay Kenya, ka dib markii ay ku eedeeysay in ay xad gudubyo joogta u hayso madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya toddobada maalmood ee soo socota ay diblomaasiyiinteeda oo dhan kala baxayso Kenya.

Afhayeenka dowladda Kenya Cyrus Oguna oo la hadlay warbaahinta gudaha dalkaas, ayaa sheegay in dowladda Kenya aysan raaci doonin isla wadadii ay Soomaaliya martay.

“Ma sameyn karno wax la mid ah wixii ay Soomaaliya sameysay. Haddii aan sidaa yeelno waxay umuuqataa aargudasho halkan, waxaan u oogolaan doonnaa IGAD iyo Comesa inay la wareegaan howshan.” sidaa waxa yidhi Cyrus Oguna, afhayeenka dowladda Kenya.