Hargeysa(aftahannews):- Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka warbixiyey kulan maanta Nairobi ku dhex-maray Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Kenya Muuse Biixi iyo Uhuru Kenyatta iyo kulammada xigi doona.
Wasiir Faratoon, waxa uu sheegay in Waftiga Madaxweyne Biixi ee Nairobi ku sugani kulammada uga bilaabmay dalka Kenya sii wadi doono illaa maalinta Salaasada ee Berri, sidoo kalena la kulmi doonaan darafyo kala duwan oo dowladda dalkaas ka mid ah iyo weliba Jaaliyadda Somaliland ee Nairobi deggan.
Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) Wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland oo Warbaahinta kula hadlay Nairobi kulanka labada Madaxweyne ka dib, waxaannu hadalkiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.