Maxaad Ka Taqaannaa Taariikhda Faneed iyo Halgan ee Fannaanadda Shamis Qardajeex?

Djibouti (Aftahannews)- Fanaanada Caanka ah ee Shamis Cali Faarax oo loo garan ogyahay Shamis Qarda Jeex kana mid ah Hablihii fanaaniinta ahaa doorka laxaadka leh kasoo qaatay Halgankii  xornimada dalka Jabuuti 1977-kii taasi oo baal dahab ah kaga xusay taariikhda dalka Jabuuti iyo heesihii gobonimo doonka ah ee ay ka qaaday,

Shamis waxaanay marna illaawin oo ay si wanaagsan u xasuusataa safarkii dheeraa ee ay soo mareen iyada iyo dadkii ay isku dalka ahaayeen ee ay wada halgamayeen. Waxay kula ololeeysay Deriskeeda  LPAI ee xaafadeeda; Waxay ka mid ahayd koox dhalinyaro ah oo qaaday heeso caan ah oo gobannimo-doon ah LPAI. Shamis waxay dib u xasuusataa in astaamihiisii Xaafadda uu ka gilgishay dhaqdhaqaaqii gobonnimo-doonka Jabuuti, Kuwaana waxa ka mid ahaa Xaaji Cumar Kaamil iyo Hooyadiis Quraan Aboubaker Farah.

Fanaanad Shamis Cali Faarax ayaa kamid ah shakhsiyaadka dhibaatada wayni kasoo gaadhay halgankii gobonimo doonka dalka Jabuuti kaasi oo ay ku wayday odaygeedii kadib markii ay toojar iyo xidhig kula kaceen dalka Faransiisku.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.