Cabdilaahi Jawaan Muxuu ka yidhi waxyaabaha u qabsoomay Xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo dhaliilaha dul-hoganaya?

Hargeysa (Aftahannews) – Siyaasi Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdillaahi-Jawaan) ayaa ka hadlay marlaxadda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan iska beddelka ku yimid Siyaasadda Arimaha Gudaha, Arimaha Dibedda, Dhaqaalaha dalka iyo xalinta khilaafadkii Xisbiyada tan iyo markii uu Madaxweyne Muuse BIixi Cabdi talada dalka laga wareegay oo hadda laga joogo muddo saddex sanno ah, waxaanu tilmaamay in wax badan Xukuumaddani qabatay. 

Siyaasi Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdillaahi-jawaan) oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Bishii November ee 2017 ayay Doorashadu dhacday, saddex sanno markii uu Madaxweynuhu xilka la wareegay ayey ku buuxsantay, Madaxweyne Muuse Biixi Xukuumaddiisa dhibaatooyin badani way soo mareen, dalka oo khilaaf badani ka jiray, nabadgaly-daro iyo buuq, laakiin arimahaas Madaxweynuhu uu dhammeeyey”.

Mar uu ka hadlayey Siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo waxay Xukuumaddani ka qabatay ayuu yidhi “Siyaasadda Arrimaha Dibedda waxyaabo badan baa inoo qabsoomay, sida Taiwan oo xidhiidh Diblamaasiyadeed ina dhexmaray, Dawladda Maraykanka ayaana soo hambalyeysay heshiiskaas labada dhinaca galeen oo waxay yidhaahdeen Dalka Taiwan iyo Dawlad ku taalla Geeska Afrika ama Barriga Afrika waa xidhiidh aad muhiim u ah waanu soo dhaweeynaynaa, waxaana uu ahaa Hay’adda u saraysa Maraykanka ee Nabadgalyada, Hay’ad fudud maaha, wax badan oo Siyaasadda Arrimaha Dibadda inoo qabsoomay way jireen”

Mar uu ka hadlayey Xukuumadda iyo khilaafkii Xisbiyada waxay ka qabatay ayuu yidhi “Khilaafkii Xisbiyada, yooyootankii iyo is haysadkii iyo Doorashooyinka oo marar badan dib u dhacday, waxaas oo dhan waa laga soo gudbay oo imika waxaa loo bislaaday in dhan marajaha loo wada jeediyey oo waxaa shir wada yeeshay Dawladda, Xisbiyada Mucaaradka iyo Komishanka Doorashooyinka Somaliland, oo go’aan midaysan bay gaadheen, taasina waxay markhaati ka tahay wada shaqaynta Hay’adaha Qaranka, haddii ay tahay Xukuumadda, haddii ay yihiin Xisbiyada jira ee dalka, haddii ay yihiin Hay’adaha Qaranka ee dhisan gaar ahaan Hay’adda Komishanka Doorashooyinka, arintana waa libin ay ku tilmaaman tahay Dalwaddan maanta jirtaa”.

Mar uu ka hadlayey Miisaaniyad-sanadeedka 2021-ka oo dhawaan uu Golaha Wasiirrady ansixiyey ayuu yidhi “Waad og tihiin oo Miisaaniyaddii waatii ay Golaha Wasiirradu ansixiyeen ee la gudbiyey oo waa tii lacag dheeraada ah sheegayey iyadoo cidhiidhi badani ina haysto, waa tii oo Covid_19 Adduunka ka jiro oo saamayn weyn buu inagu yeeshay, Itoobiya oo inta badan wax inooga iman jireen waa tan oo dagaalo ayaa ka socday, waxaas oo dhan oo jira baynu haddana isku tashanay, oo Miisaaniyadda wakhtigii ku haboonayd baa la ansixiyey oo la meel mariyey, runtiina anigu waxaan odhan karaa Xukuumaddani intii ay jirtay guulo la taaban karo ayaa jira, waxaan maalin dhawayd daawanayey Wasiirka Maalgashiga Somaliland oo Maalmahan shaqo qaran ama hawl shaqadiisa la xidhiidh u joogay Kenya, oo dadka Kenya deggan ee maal-qabeenka ah siday doonaanba maal-qabeen ha u ahaadaane oo dadka reer Somaliland iyo Soomaalida kaleba ka dhaadhicinayey inuu Somaliland yahay dal la maalgashan karo oo lagu casuumay inay maalgashadaan”.

Mar uu ka hadlayey Siyaasadda Arrimaha  Gudaha iyo waxay Xukuumaddani ka qabatay  ayuu yidhi “Waxaa ugu muhiimsan nabadgalyada, Geeska Afrika ama Adduunkaba meel walba khilaaf baa ka jira, haddii aad eegto Itoobiya, haddii aad eegto Soomaaliya, haddii aad eegto Kenya, dhibaatooyin badan baa ka jira, Somaliland waa meesha qudha ee fayoow ee ka fayoow nabadgalyo-daro oo cid kastaba halkay ka timaado ay odhanayso qumaati ayaan salka u dhigayaa nabadgalyada ka jirta darteed”.

Mar uu ka hadlayey qandaraasyada qaranka iyo beelaha darafyada  ayuu yidhi “Waxaan la qaban waa inaad ku dhaliishaa Xukuumadda, wixii ay qabtayna waa inaad sheegta, anigu waxaan u arkaa inay wax wanaagsan qabatay, maalin walba Guddida qandaraasyada ayaan dhegaystaa, maalin walba qandaraas baa la bixinayaa dalka oo dhan, min bari ilaa galbeed, haba u badnaadeen imika Gobollada Bariga oo markii hore mashaariicdu ku yarayd sababo nabadgalyo awgeed oo imika meel walba qandaaras baa lagu bixinayaa, imika mashariicda ugu weyn waxaa weeyey Madaarka Boorama deyr lagu wareejinaayo, Jamaacadda Laascanood oo dhisme lagu darayo, darafyadii cabanayey maanta mashariicda ugu waaweyn ayaa loo qabanayaa, markaas waxaan u arkaa runtii inay Dawladda wax weyn qabatay”.

Mar uu ka hadlayey meelaha ay tabashooyinku ka jiraan ayuu yidhi “Inkasta oo ay Xukuumaddu wax badan qabatay haddana waxaa jira tabashooyin aan ilaa hadda waxba laga qaban, dhaliishadeena ay leedahay, loona baahan yahay inay wax qabato, waa sida Shaqaalaha Dawladda, iyo Saami Xukuumadda oo lagu kala badan yahay, waxaana ku rejo weyn nahay in dhaliilahan iyo dhaliilaha kale ee jiraba ay wax ka qabato Xukuumaddu, Xisbiyada Mucaaradkuna way joogaana oo dabacan wixii dhaliil ah inay sheegaan ayaa loo baahan yahay”.

Dhanka kale, wuxuu ka hadlay Diiwaangelinta la filayo inay Maanta ka bilaabanto Gobollada Maroodi-jeex iyo Saaxil, waxaanu xusay inay is diiwaangelintu ay muhiim tahay, waxaanu Komishanka ugu mahadnaqay siday hawsha u wadaan, isagoo xusay in Diiwaangelintu ay ka turjumayso saami iyo tirada dadka Gobol kastaba iska diwaangeliyaan.

 

Xigasho: Wargeyska Geeska Afrika