Mareykanka: Isku dhac dhex maray kooxaha Proud Boys iyo Antifa

Isku dhac dhex maray kooxaha Proud Boys iyo Antifa
Isku dhac dhex maray kooxaha Proud Boys iyo Antifa

Washington (Aftahannews)- Dibad-bax lagu taageerayey madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa isku rogay isku dhex dhex maray kooxda midigta fog ee xagjirka ah ee Proud Boys, iyo tan bidixda fog ee xagjirka ah ee Antifa.

Kumannaan kamid ah taageerayaasha madaxeyne Donald Trump ayaa Sabtidi shalay isugu soo baxay dhowr magaalo oo ay ku jirto caasimadda Washington D.C, si ay taageero ugu muujiyaan madaxweynaha oo wali diidan inuu aqbalo natiijadi kasoo baxday doorashadi madaxtinimada Mareykanka ee bishii November.

Magaalada Washington, kumannaan ka mid ah taageerayaasha Trump ayaa isugu tagay bartamaha magaalada iyaga oo ku dhawaaqayay “Jooji xatooyada”, laakiin dibad-baxooda ayaa xalay isu baddalay fowdo kaddib markii ay ku biireen koox ka mid ah dhaqdhaaqa xag jirka ah ee midigta fog ee loo yaqaano Proud Boys, taasoo keentay in ay iyana bannaanbax kaasi kasoo horjeeda ay sameeyaan taageerayaasha dhaqdhaqaaqa dhinaca bidixda fog ee loo yaqaanno Antifa oo u ololeeya xuquuqda dadka madow iyo kuwa laga tirada badanyahay ee Mareykanka.

Isku dhac dhex maray kooxaha Proud Boys iyo Antifa
Isku dhac dhex maray kooxaha Proud Boys iyo Antifa

Booliska Washington DC ayaa sheegay in ugu yaraan afar qof lagu middiyeeyay faras-magaalada caasimadda, halka 24 ka mid ah dhinacyadi isaga hor yimid mudaaharaadka la xidhay.

Meelaha kale ee ay dibadyaxada lagu taageeray madaxweyne ka dhaceen ayaa waxaa ka mid ah magaalooyin ku yaalla gobollada Washington, Ohio iyo Minnesota, Georgia, Pennsylvania, Michigan, Wisconsin, Nevada iyo Arizona.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.