Wasiirka Ingiriiska ee Afrika oo ka waramay arrimo Somaliland ku saabsan oo uu kala hadlay Madaxweynaha Soomaaliya

Hargeysa (Aftahannews)- Dawladda Ingiriiska ayaa sheegtay inay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo kala hadashay sii waditaanka wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ku dhex maray dalka Djibouti.

Xildhibaan Andrew Rosindell, oo ka tirsan Baarlamaanka dalkaas ayaa Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Afrika  James Duddridge oo maalmo ka hor socdaal ku yimid magaalada Muqdisho ee Soomaaliya, weydiiyay su’aal nuxurkeedu ahayd talaabooyinka ay wasaaradiisu qaadayso si loo horumariyo iskaashiga diblomaasiyadeed ee Ingiriiska iyo Somaliland, waxaanu Wasiir James ku jawaabay, “Ingiriisku wuxuu xidhiidh wanaagsan oo taariikhi ah la leeyahay Somaliland, waana deeq bixiyaha keliya ee reer galbeed ah ee si joogto ah u jooga Hargeysa [Xafiis ku leh].” Ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu intaas raaciyay inaanu inkastoo aanu Ingiriisku aqoonsanayn Somaliland, haddana uu la leeyahay iskaashi dhinacyo badan taabanaya, iyadoo ay Ingiriiska ka go’antahay ayuu yidhi horumarinta bariga Afrika oo dhan, “Somaliland, waxaanu ka taageernaa dhinacyada ay ka mid yihiin kaabayaasha dhaqaalaha, siyaasad sal ballaadhan, arrimaha bini-aadanimo, ammaanka iyo cadaaladda.” Ayuu yidhi Wasiir James Duddridge.

Isagoo wasiirka Ingiriiska ee Afrika ka hadlaya socdaal uu ku yimid Muqdisho iyo arrimo Somaliland ku saabsan oo uu kala hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, wuxuu yidhi  “Booqashadii aan dhowaan ku tegay Muqdisho waxa aan hoosta ka xariiqay rajada aannu ka qabno in dadka Somaliland ay ka faa’iidaan teegarada Bangiga Aduunka hada laga helli karo, sababta oo ah horumarka laga sameeyey Geedi-socodka dayn ka cafinta dalalka faqiirka ah ee sida wayn u daymaysan. Waxa aan sidoo kale ku dhiirigeliyay Madaxwayne Farmaajo inuu sii wado dadaalka wada hadal iyo kalsoooni dhis ee ka bilawday Djibuuti xilli hore oo sanadkan ah.”

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.