Xukuumada Abiy Ahmed oo ogolaatay arrin ay muddo ka diidanayd gobolka Tigray

Xukuumada Abiy Ahmed oo ogolaatay arrin ay muddo ka diidanayd gobolka Tigray

Addis Ababa (Aftahannews)- Xukuumadda Abiy Ahmed ee Itoobiya ayaa si rasmi ah u shaacisay inay gar-gaar bini-aadanimo u dirtay caasimada gobolka Tigrey-ga ee Mekelle, oo maalmihii u dambeeyay laga soo sheegayay xaalado bini-aadanimo.

Xafiiska Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay inay kolonyo baabuur ah oo cunto sida u dirtay caasimada Tigrey-ga, si ay wax uga qabato xaalada adag ee ka dhalatay dagaalkii maamulka TPLF iyo dowladda.

“30 baabuur oo kuwa xamuulka ah oo sida 12,500 kiish oo midkiiba 100 Kiiloo yahay ayaa gaadhay caasimada gobolka Tigray ee Mekelle, sidoo kalena waxa wadada kusii jira 7,000 oo kiish oo daqiiq ah” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay xafiiska Abiy.

Xukuumada Abiy Ahmed oo ogolaatay arrin ay muddo ka diidanayd gobolka Tigray
Xukuumada Abiy Ahmed oo ogolaatay arrin ay muddo ka diidanayd gobolka Tigray

Sidoo kale, waxa lagu wadaa maalinta Sabtida inay gaadhaan gobolkaas daawooyin faro badan oo ay xukuumadda Abiy Ahmed ugu talo-gashay in wax looga qabto xaalada caafimaad ee caasimada, sida lagu sheegay qoraalka xukuumadda.

“Saddex baabuur oo kale oo sida dawooyin ayaa iyaguna gaadhi doona maalinta Sabtida caasimada Mekelle” ayaa lagu yidhi

Waxa kale oo ay xukuumadda Abiy beenisay in uu hakad galay gar-gaarka bini-aadanimo ee gobolkaasi loogu tala-galay, tan iyo intii uu socday dagaalka TPLF iyo dowlada.

Arrintan ayaa imaneysa xili ay Qaramada Midoobay sheegtay inay adag tahay in gar-gaar bini-aadanimo la geeyo deegaano badan oo ka tirsan gobolka Tigrey-ga, isla markaana ay ka gacan siin weyday xukuumadda.

Dagaalka Tigrey-ga ayaa waxa uu galaaftay nolosha boqolaal qof, halka ay ku barakaceen tobanaan kun oo kale, inkasta oo ay adag tahay in si sax ah looga warbixiyo waxa ka socda gudaha gobolkaas, madaama  ay go’an yihiin isgaadhsiinta iyo internet-ka.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.