Ra’iisal Wasaare Rooble iyo Madaxda Puntland oo yeeshay kulan wadatashi ah

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxda Puntland oo yeeshay kulan wadatashi ah

Garoowe (Aftahannews) – Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Garoowe kulan kula yeeshay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan (Karaash).

Kulanka oo ahaa mid albaabada u laaban, ayaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin wada shaqeynta dowladda Federaalka ah iyo Puntland, Arrimaha doorashooyinka iyo qodobbo kale.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxda Puntland oo yeeshay kulan wadatashi ah

Ra’iisal wasaare Rooble oo masuuliyadda ugu weyn ee saaran ay tahay inuu ka shaqeeyo mashruuca doorashada, ayaa doonaya inuu xal ka gaadho khilaafka iyo cabashada laga muujinayo hannaanka doorashada.

Waxaa uu tallaabada ugu horeysa ka billaabay inuu la kulmo madaxda Dowlad Gobolleedyada dalka, si uu uga qanciyo  tabashadooda.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Garoowe/Puntland.