Trump oo markale Guul-darro la Kulmay

Qareenadii difaaci lahaa Trump oo ka kala tegay

Washington (Aftahannews)- Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa Jimcihii diidday dacwad uu gobolka Texas u gudbiyay oo lagu doonayay in lagu laalo natiijadii codbixinti gobollada Georgia, Michigan, Pennsylvania, iyo Wisconsin oo uu Biden ku guuleystay.

Dacwadda gobolka Texas ayaa waxaa taageeray in ka badan 100 mudane oo Jamhuuri ah oo ka tirsan Aqalka Wakiillada, kuwaas oo rajo ka qabay in Maxkamadda Sare ay tuurto natiijada doorashadii madaxtinimada ee afar gobol oo ka tirsan Mareykanka oo uu ku guuleystay Joe Biden.

Go’aan kooban oo ka soo baxay Maxkamadda Sare ayaa lagu sheegay in gobolka Texas aanu sharci u laheyn inuu dacwad ka keeno kiis ka dhan ah gobollada Georgia, Michigan, Pennsylvania iyo Wisconsin.

Kiiskan ayaa waxaa Salaasadii Maxkamadda Sare u gudbiyay Xeer-ilaaliyaha guud ee gobolka Texas oo ah Jamhuuri. Isla markiiba waxaa taageeray kiiska xeer ilaaliyaasha 19 gobol oo ka mid gobollada Mareykanka iyo 129 mudane oo Jamhuuri ah oo ka tirsan Congress-ka.

Trump oo markale Guul-darro la Kulmay
Trump oo markale Guul-darro la Kulmay

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa waxaa qaadi ka ah 9 garsoore oo 6 ka mid ahi yihiin muxaafid. Saddex ka mid ah waxaa magacaabay Trump, midkoodna kama aanu hadlin dacwaddan.

Go’aankan ayaa dhabar-jab ku ah rajadii uu madaxweynaha xilka ka sii dhamaanayo ka lahaa in maxkamadda sare ay ku diiddo natiijada doorshada ee uu ku guuleystay madaxweynaha la doortay Joe Biden.

Maalinta Isniinta ah ayay kulmi doonaan xubnaha ergooyinka leh codbixinta ugu danbeysa ee doorashada Madaxweynaha Mareykanka, kuuwaasoo loo yaqaano Electoral College iyagoo codkooda si rasmi ah u dhiiban doona.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.