Somaliland iyo Baanka Adduunka oo kulan ka yeeshay dib u habaynta iyo tayeynta Shaqaalaha Dowladda

Hargeysa (Aftahannews)- Xukuumadda Somaliland iyo Baanka adduunka ayaa soo gebo gebeeyey kulan muddo shan maalmood ah u socday labada dhinac, kaas oo lagu qiimaynaayey mashruuca dib u habaynta shaqaalaha dowladda Somaliland oo muddo afar sanno ah ka socday Somaliland.

Mashruucan oo ay hirgelinaysay hay’adda shaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana uu maalgelinaayey baanka adduunku, waxa dhinaca Somaliland shirkaas oo ku dhacay habka Video Conference-ka loo yaqaano ama Fogaal araga fog uga qayb galay wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Xasan Maxamed Cali ,Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Sacad Cali Shire ,Wasiirka Shaqo gelinta, Arrimaha Bulshadda iyo Qoyska Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani ,Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland  iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda Somaliland ka tirsan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.