Raysal Wasaaraha Soomaaliya iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ku wajahan Garoowe

Raysal Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble
Raysal Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble

Garoowe (Aftahannews) – Wefdi uu hoggaaminayo raysal wasaaraha dowladda federalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ku wajahan magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland.

Safarkan oo qeyb ka ah safarro raysal wasaaruhu ku marayo caasimaddaha dowlad gobleedyada ayuu wuxuu ku saabsan yahay dardar galinta geeddi socodka doorashada iyo xallinta tabashooyinka laga muujinayo hannaanka doorashada.

Raysal Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble
Raysal Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa shalay Garoowe uga sii hormaray raysal wasaaraha, waxaana maanta magaalada Garoowe laga dareemayaa soo dhowaynta raysal wasaaraha.

Raysal wasaaraha oo ay u noqonayso safarkiisii ugu horeeyay uu ku tagayo Puntland, isagoo raysal wasaare ah, ayaa halkaas ku sugnaan doona muddo labo cishe ah, isagoo wada hadal la yeelandoono madaxda Puntland.

Puntland ayaa kamid ah maamulada aan weli dirin guddiyadii doorashada heer dowlad goboleed, iyagoo ka walaacsan qaabka hannaanka doorashadu ku socdo.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Garoowe/Puntland.