Maraykanka oo sheegay inuu duqayn ku dilay 8 xubnood oo katirsan khuburada Al-shabaab u sameeya qaraxyada

AFRICOM
AFRICOM

Muqdisho (Aftahannews) – Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa fuliyay labo duqeyn oo cirka ah oo lagu bartilmaameesaday khubaro katirsan al-Shabaab oo qaraxyada sameeya, waxayna duqayntu ka dhacday agagaarka Jilib.

Qiimeyn hordhac ah oo lagasoo saaray duqayntan, ayaa lagu sheegay in lagu dilay 8 xubnood oo door muhiim ah ka ciyaara soo saarida walxaha qarxa, oo ay ku jiraan qaraxyada lagu xidho gawaadhida xamuulka qaada.

Africom waxay sheegeen inay hubinayaan in dad rayid ah wax ku noqday ama ku dhinteen duqeymahan.

AFRICOM
AFRICOM

“Waxaan sii wadeynaa inaan garaacno kuwa doonaya inay waxyeeleeyaan anaga ama lamaanayaasheena,” ayuu yidhi, Maj. Gen. Dagvin Anderson, Taliyaha howlgalada Wadajirka ah ee AFRICOM.

“Taliska Africom iyo la-hawlgalayaashiisa caalamiga ah waxay aqoonsan yihiin muhiimadda xasilloonida Soomaaliya. In kasta oo nabadda iyo xasilloonidu u baahan yihiin maamul adag iyo in dadka Soomaaliyeed la siiyo barnaamijyo dhaqaale iyo fursado, haddana nabadgelyadu waa aasaaska mid kasta.,” ayaa lagu yidhi, bayaanka AFRICOM.

Taliyaha ciiddanka Africom, Stephen J.Townsend, ayaa sheegay duqayntan inay muujinayso  sida ay nooga go’an tahay cidhibtirka halista iyo taageerida saaxiibadooda Soomaaliya.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.