Somaliland: Mulkiilaha Telefiishanka Astaan oo lagu siidaayey afis Madaxweyne

Mulkiilaha Astaan TV, Cabdimanaan Yuusuf
Mulkiilaha Astaan TV, Cabdimanaan Yuusuf

Hargeysa (Aftahannews) – Waxa Maanta xabsiga laga soo daayey Mulkiillaha Telefiishanka Astaan oo muddo dhowr bilood ah ku xidhnaa Hargeysa.

Mulkiillaha Astaan Tv Cabdimanaan Yuusuf ayaa la siidaayey, ka dib markii uu Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu cafis u fidiyey sida ay sheegeen ehelkiisu.

Mulkiilaha Astaan TV, Cabdimanaan Yuusuf
Mulkiilaha Astaan TV, Cabdimanaan Yuusuf

Cabdimanaan Yuusuf ayaa hore Maxkamadi ugu ridday xukun dheer iyo ganaax lacageed, ka dib markii Xeer-ilaalinta Somaliland ku eedaysay arrimo ay ka mid yihiin basaasnimo.

Waxaana Maxkamaddu sidoo kale soo saartay xukun ah in la xayiro Telefiishankiisa Astaan, laakiin Maanta ayaa Cabdimanaan la siidaayey ka dib markii uu Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi uu cafis u fidiyey.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.