Somaliland: Bulshada oo loogu baaqay diwaangelinta Hubka fudud ee yaala guryahooda

Hoggaan ku xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland, Gaashaanle dhexe Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil
Hoggaan ku xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland, Gaashaanle dhexe Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil

Hargeysa (Aftahannews)- Ciidamada booliska Somaliland ayaa bulshada qaybaheeda ugu baaqday inay hubka fudud ee guryahooda yaala ay ka soo diwaangaliyaan xafiiska hubka fudud ee wasaaradda arrimaha gudaha.

Sidoo kale waxaa ay xuseen in goobtaasi ay ka heli karaan talo iyo tilmaan la xidhiidha hanaanka ugu fudud ee ay hubkooda u xafidi karaan.

Gaashaanle dhexe Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil, hoggaan ku xigeenka ciidanka booliska Somaliland, ayaa sidan ka sheegay mar uu warbaahinta kula hadlayay xafiiskiisa.

Waxaa kale oo uu diray    fariin ku saabsan sidii qofka iyo qoyskuba ay uga badbaadi lahaayeen khatarta hubka fudud ee yaala guryaha.

Hoggaan ku xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland, Gaashaanle dhexe Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil
Hoggaan ku xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland, Gaashaanle dhexe Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil

Gaashaanle dhexe Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil, hoggaan ku xigeenka ciidanka booliska Somaliland,  isaga oo arrimahaasi si faahfaahsan uga hadlaya waxaa uu yidhi. “Muwaadin ciidanka booliska Jamhuuriyadda Somaliland, iyo nidaamka caddaalada ee ka jira Somaliland, ayaa ku filan, in uu badbaadiyo hantidaada, iyo naftaada.

Haddaba ciddi haysata hubka fudud waxaa muhiim ah in aad ogaato in hubka fududi uu sababi karo dhimasho iyo dhaawacba, kuwaasi oo ka imanaya hubka fudud, ee yaala gurigaaga, waliba waxaa ay ku iman karta dadka aad sida gaarka ah u jeceshahay, sida waalidka oo ah Aabaha, hooyadda, carruurtada, iyo xaaskaaga, waalid ahaan masuuliyada ku saaran ayaa ah in aad ka hortagto khatar kasta oo ka dhalan karta hubka fudud ee gurigaaga yaala waa in aad ka ilaalisa khatarta hubka fudud, cidkasta, carruurta, iyo wixii kugula nool gurigaaga in ay kaga timaado dhibaato, aanad adigu ugu talo galin.

Muwaadin hubkaagu ha noqdo mid amaan ah oo waliba ku sharciyaysan Qurigaaga iyo Baastooladaada ka diwaangeli xafiiska hubka fudud ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, goobtaasi oo aad ka heli karto qaabka aad u ilaalineyso hubkaaga iyaga oo ku tilmaami kara meelaha ugu wanaagsan ee waliba hubkaaga aad ku xafidi karto”

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.