Baarlamaanka Kenya oo ka dooday khilaafka Soomaaliya

Baarlamanka Kenaya
Baarlamanka Kenaya

Nairobi (Aftahannews)- Baarlamanka Kenaya ayaa ka dooday khilaafka diblomaasiyadeed ee haatan ka dhex bilaabmay labada dal.

Arintan ayaa daba joogta go’aankii ay Soomaaliya ugu yeedhatay danjiraheeda u fadhiya Nairobi, ee ay sidoo kalena ku wargelisay danjiraha Kenya u fadhiya Soomaaliya inuu dalkiisa wada tashi ugu noqdo.

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay sheegtay in ay go’aankaa ku salaysay Kenya oo ay ku eedeysay inay madaxweynaha Jubbaland ku cadaadinayso inuu fuliyo ajandaheeda siyaasadeed, taas oo carqaladaynaysa heshiiskii siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya, islamarkaana ka hor imanaysa hab dhaqanka diblomaasiyadeed ee dawladaha deriska ah.

Baarlamanka Kenaya
Baarlamanka Kenaya

Doodii xildhibaannada baarlamanka Kenya ee galabtuna waxay u dhacday sidatay oo waa kuwan hadalladii ugu mudnaa ee golaha laga yidhi:

“Ganacsiga Kenya iyo Soomaaliya muusaamayn khilaafkan diblomaasiyadeed. Gaar ahaan qaadka dalku u dhoofiyo iyo waxyaabaha kale ee la dhoofiyo iyo la soo dejiyo ee labada dal ku kala ganacsadaan. Mahadsanid gudoomiye,” ayuu yidhi Aadan Ducaale oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka Kenya.

“Mudane gudoomiye waa nasiib darro in arimahaa muhiimka ah la soo hadal qaadayo maalintii ugu dambaysay kal fadhigan. Ilaa haatan ma jiro waxa xidhiidhka rasmi ah afka diblomaasiyadda lagu yidhaa ‘ Note Verbal’ oo ka yimid Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay kaga codsanaysayo danjiraha Kenya u fadhiya Muqdisho inuu Nairobi u tago wada tashi dheeraad ah. Waa ta labaad e, talaabada la sheegay in ay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qaaday waa wax laga xumaado, maadaama oo lagu saleeyey sheegasho iyo eedayn aan la caddayn karin oo ah in ay iyagu sheegteen in Kenya farogelinayso arimaha gudaha ee Somalia. Eedahaa lama caddayn. Ta saddexaad, waxaan doonayaa inaan idhaa Dawladda Kenya way ixtiraamtaa oo ku dhaqantaa mabaadi’da ma dhaafaanka ah ee diblomaasiyadeed ee caalamiga ah ee aayo ka tashiga, madaxbanaanida siyaasadeed iyo dhawrsanaanta dhulka wadamada oo dhan, gaar ahaan kuwa Afrika, waxaanan doonayaa in aan idhaa xidhiidh diblomaasiyadeed oo fiican ayaa Soomaaliya inaga dhexeeya sidaas ayaanu ahaan doonaa.” Ayuu yidhi Katoo Ole Metito oo ah gudoomiyaha gudida baarlamanka ee gaashaan dhigga iyo arimaha dibaddu.

“Waxaan doonaya inaan u mahadnaqo gudoomiyaha, intaan dhegaysanayey wuxuu ku celiyey oo akhriyey uun warbixintii ay soo saartay wasaaradda arimaha dibadda Kenya markii safiirada loo yeedhay. Laakiin waxa jira waxyaabo badan oo labadeena dal mideeya oo ka badan waxa ina kala qaybiya markaa gudoomiye waxaan doonayaa in aan gudoomiye Katoo ugu mahadnaqo jawaabtaa waafiga ah ee uu bixiyey”. Ayuu yidhi Aadan Ducaale oo hadalka mar kale ku noqday.

“Codsiga aan u jeedinayo dawladdeenu waa in ay ma huraantahay in arintan sida ugu dhakhsaha badan loo furdaamiyo, sababta oo ah waxa jira ganacsi aynu la leenahay iyo dad dalkaa kale ka yimaad oo wadankan maalgashada. Maadaama oo aan ka mid ahay gudidaa gudoomiyaheedu hadlayna waxaan doonayaa inaan idhaahdo waxaynu u baahannahay in aynu xaqiijino in dalkeena iyo Soomaaliya labaduba ahaadaan laba dal oo saaxiiba oo barwaaqaysan.” Ayuu yidhi Cabdilaahi Bashiir Sheekh oo ah xildhibaan laga soo doorto Mandera North.

“Mudane Gudoomiye waxaan doonayaa in aan taageero hadalka gudoomiyaha gudida. Waxa iga yaabiya ee ku saabsan Soomaaliya waa in xiliga doorashada ololaha ka socda halkan Nairobi uu kaga xamaasad badan yahay Muqdisho qudheeda. oo waxaad is odhanaysaa ba malaha doorashadu halkan Nairobi ayay ka dhacaysaa ee kamaba dhacayso Muqdisho. Mudane Gudoomiye hadaad imika magaalada dhex marto hudheelada oo dhami way buuxaan, waxayna noqotay in dhamaan musharaxiinta madaxweynenimo ee Soomaaliya ay Nairobi yimaadaan olole adagna halkan way ka wadaan, markaa waxaynu u baahannahay in gudida gaashaan dhigga iyo arimaha dibadu ay baadhitaan dheer samayso si ay inoogu sheegaan sababta ay musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya ololaha ka badan kay Muqdisho ka wadaan uga wadaan Nairobi.” Ayuu yidhi Nuux Juneed Sheekh oo xildhibaanka laga soo doorto Suna East.

 

Xigasho: BBC