Shil sababay Dhimasho iyo Dhawac oo ka dhacay dawga Sheekh

Filed under: Wararka |

Sheekh (Aftahannews) – Ugu yaraan Hal qof ayaa ku dhintay, Afar kalena waxaa ka soo gaadhay dhaawac, kaddib markii shil ka dhashay laba Gaadhi uu ka dhacay Dowga Buurta Sheekh ee gobolka Saaxil.

Labada gaadhi ee isku dhacay, ayaa kala ahaa Gaadhi nooca rakaabka qaada ah oo ay leedahay Shirkadda Nabad-gale iyo Baabuur nooca raaxada ah, waxaana dhintay mid kamida wadeyaashii labada gaadhi, sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka nabad-gelyada waddooyinka ee gobolka Saaxil oo warbaahinta kula hadlay goobta shilku ka dhacay.

You must be logged in to post a comment Login