Dibad-baxyo ka dhan ah go’aankii Madaxweyne Deni oo ka dhacay Boosaaso

Boosaaso (Aftahannews)- Banaanbaxyo xoogan oo ay soo abaabuleen dad ka cadhaysan go’aan uu dhowaan soo saaray madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ka dhacay magaalada Boosaaso.

Go’aanka ay dadku ka cadheysan yihiin ayaa ah amar uu madaxweyne Deni soo saaray oo uu ku joojiyey lacagtii shillin Soomaaliga ee canshuurta looga qaadi jirey kastamka dekedda magaalada Boosaaso, una beddelay dollar.

Hoos ka dhagayso Warka