Sarkaal ka tirsanaa C.I.A-da Mareykanka oo lagu dilay Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews)- Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dilka sarkaal ka tirsanaa C.I.A-da Mareykanka oo  ku dhintay howlgal ka dhan ahaa Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo loo maleynayo in uu mas’uul ka ahaa weerar lagu dilay Askari Mareykan ah oo ka dhacay Kenya sanadkii hore.

Sarkaalkan ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa howlgal Wadajir ay u fuliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka oo ka dhacay deegaanka Gandarshe oo qiyaastii 30km dhinaca Koonfur Galbeed ka xigta Muqdisho.

“Saraakiisheenna oo taageero ka helaya saraakiisha Mareykanka. Waxaan ku duulnay 2: 00 am habeenimo. diyaarado oo askarteena waxay lug ku tageen duurka ka hor inta aanu qarax weyn dhicin oo lagu dilay  saaxiibkeen Mareykanka ahaa iyo afar ka mid ah saraakiisha Ciidamada Soomaaliya ayuu yidhi ” Sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya.

Weerarkaas lagu qaaday Gandarshe ayay saraakiishu sheegeen in uu ahaa mid fashilmay” 40 daqiiqo kaddib waxey noqotay in aynu dib u guranno annaga oo aan gaadhin ujeedadeennii”.

Inta u dhaxeysa 650 ilaa 800 oo askari oo Mareykan ah ayaa ka howlgalaya Soomaaliya, sida ku cad tirakoobyadii ugu dambeeyay ee la sameeyay.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.