Al-shabaab oo weerar ka geysatay Saldhig Militari oo ku yaal gobolka Shabeellaha Hoose

Ururka Al-shabaab
Ururka Al-shabaab

Muqdisho (Aftahannews) – Xoogagga Ururka Al-shabaab ayaa weeraray saldhig ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin gobolka Shabeellaha Hoose.

Ilo lagu kalsoonaan karo oo u sugan gobolka ayaa sheegay in dagaalyahannada Ururka Al-shabaab weerar culus ku qaadeen saldhig militariga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Sabid oo ka tirsan degmada Afgooye.

Ururka Al-shabaab
Ururka Al-shabaab

Laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay weerarka lamana sheegin khasaare dhinaca Al-shabaab soo gaadhay.

Sidoo kale, dowladda Soomaaliya wax war ah kama ay soo saarin weerarkan oo dhacay maanta oo Arbaco ah.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.