Qaramada Midoobey iyo Itoobiya oo gaadhay heshiis ku saabsan xaaladda Tigray

Addis Ababa (Aftahannews) – Qaramada Midoobey iyo Itoobiya ayaa gaadhay heshiis ku saabsan in la furo marinada gargaarka si loogu gurmado shacabka ku nool gobolka uu dagaalka ka socda ee Tigray, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Qarmada Midoobey.

Afahahyeenka UNSaviano Abreu ayaa sheegay in gelinka dambe ee Arbacada ay bilaabayaan howl lagu soo qiimeynayo xaaladda si gargaar loo gaadhsiiyo shacabka Tigray, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Waxaana lagu soo warramayaa in cuntada iyo dawooyinka ay gabaabsi yihiin gobolkan ay ku nool yihiin malaayiin qof.

Boqolaal qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen dagaallada u dhexeeyay ciidamada dowladda Itoobiya iyo kuwa TPLF.

Dowladda waxay dhawaan shaacisay in ciidamadeeda ay la wareegeen caasimadda Mekelle.

Balse TPLF waxay sheegeen in weli ay dagaal kula jiraan ciidamada dowladda.

AFP