Diyaarada Air Jabuuti oo Shil ku gashay garoonka Diyaaradaha Garoowe

Air Djibouti
Air Djibouti

Garoowe (Aftahannews) – Diyaarada Air Jabuuti ayaa saaka shil ku gashay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe, kadib markii ay soo wajahday cilad dhinaca matoorka ah, sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Diyaarada ayaa inta ayna soo cago dhigan waxaa la arkayay iyadoo sii deynaysay qiiq, kadibna waxay si aayar aayar ah uga soo dagtay garoonka Garoowe.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in diyaarada cabaar loo la’aa gaadiid dab damis ah oo ka bakhtiiya dabka ka kacay.

Air Djibouti
Air Djibouti

Gaadhi dab damis ah oo garoonka uu lahaa ayaa la arkayay isagoo ciladaysan oo garoonka dhexyaala, taasoo fadeexad ku noqotay masuuliyiinta garoonka.

Warar ayaa waxay sheegayaan in ay maamulka Puntland xidhay qof dhalinyaro oo bartiisa Facebook kusoo gudbiyay sawirro iyo macluumaad ku saabsan marka diyaaradu shilka galaysay iyo dab damis la’aanta dhacday.

Maamul goboleedka Puntland ayaa la filayaa inuu ka hadlo sababta shilka keentay iyo eedeymaha baraha bulshada looga soo jeediyay.

Garoonka diyaaradaha Garoowe, oo xadhiga laga jaray sanadkii 2018, ayaa dhismihiisa waxaa ku baxay malaayiin dollar.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Garoowe/Puntland.