Guddiga lagu Muransan yahay ee doorashada Soomaaliya oo Shaqo Bilaabay, Warna soo saaray

ASTAANTA DOORASHADA SOOMAALIYA 2020
ASTAANTA DOORASHADA SOOMAALIYA 2020
Muqdisho(aftahannews):- Qoraal maanta ka soo baxay Guddiyada lagu muransan yahay ee doorashooyinka iyo xallinta khilaafaadka ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in guddigu guda-galka iyo gudashada waajibaadka ka saaran inay dalka gaadhsiiyaan doorasho waqtigeeda ku qabsoonta oo xor iyo xalaal ah.
ASTAANTA DOORASHADA SOOMAALIYA 2020
ASTAANTA DOORASHADA SOOMAALIYA 2020

Guddiga doorashooyinku waxay soo jeediyeen oo codsadeen in si degdeg loogu soo biiriyo xubnaha ka dhiman, ka hor inta aan la gaarin doorashada Guddoomiyaha guddiga doorashada iyo Ku Xigeenkiisa oo guddi loo saaray.

“Waa muhiim ah xilligan adag inaan waqti kale oo dheeri ah dalka laga lumin. Mar kale waxaan rabnaa inaan halkan ka caddeyno in shaqada guddiga ay meel fiican mareyso, si dhakhsi ahna aan u guda gali doonno waajibaadka naga saaran inaan dalkan gaarsiinno doorasho waqtigeeda ku qabsoonta oo xor iyo xalaal ah.” sidaa ayaa lagu yidhi qoraalka guddiga.

Guddiga doorashada iyagoo gudanaya waajibaadkooda waxay tilmaameen in ay hadda gacanta ku hayaan shuruudaha jadwalka doorashooyinka iyo diiwaangelinta musharrixiinta u taagan kuraasta Golaha Shacabka iyo habraacyo kale oo muhiim u ah qabsoomidda doorasho hufan.

Guddigan oo ka kooban 20 xubnood ayaa qeyb ka ah 25-kii xubnood ee uu Dikreeto ku magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble 4tii Nofeembar 2020. Waxaa ka dhiman 4 xubnood oo ay soo magacabeen Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland.

Labada maamul ee Puntland iyo Jubaland, ayaan weli xubnahaan u dirin magaalada Muqdisho, iyadoo lala xidhiidhinayo khilaafka siyaasadeed ee arrimaha doorashooyinka Baarlamaanka federaalka iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Warqadaha qoraalka ah ee ay soo saareen Guddiyada doorashada iyo xallinta khilaafaadka doorashada Soomaaliya soo saareen Salaasadii maanta, oo nuqulo ka mid ahi soo gaadheen aftahannews, waxay u dhignaayeen sidan hoos ka muuqata ee ka bogasho habboon:-
aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Somalia.