Booliska Somaliland Muxuu ka yidhi Cidda Dishay Gabadh Meydkeeda laga helay Guriga Wiil Wasiir Dhalay?

Hargeysa(aftahannews):- Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa ka hadlay dilka Gabadh Meydkeeda laga helay Guriga Wiil Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland dhalay oo ku yaalla magaalada Hargeysa, kaas oo markii hore lagu eedeeyey Wiilka Wasiir Gaafaadhi dhalay ee ay gurigiisa joogtay, ayuu Boolisku sheegay in hadda Cid kale lo ohayo.

Afhayeenka Booliska Somaliland Gaashaanle Sare Faysal Xiis Cilmi ahna Taliyaha Ciidanka baadhista Dembiyada ee C.I.D-da, ayaa Warbaahinta la hadlay maanta, isla markaana waxa uu sheegay inuu Gabadhaas dilkeeda qirtay Nin ay wada sheekaysan jireen oo uu xusay inuu ka hinaasay.

Waxaannu Warka hadalka Afhayeenka Booliska Somaliland Faysal Xiisl, idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.