Imaaraadka oo Si lama Filaan ah uga Hadlay Dilka Saynisyahankii Nukliyeerka Iran ee Israa’iil lagu eedeeyey

SAYNISYAHANKII NUKLIYEERKA IRAN EE LA DILAY OO LA AASAYO 2020.jpg
SAYNISYAHANKII NUKLIYEERKA IRAN EE LA DILAY OO LA AASAYO 2020.jpg

Tehran(Aftahannews):- Dowladda Imaaraadka Carabta, ayaa cambaareysay dilka loo geystay Saynisyahankii sare ee Nukliyeerka ee dalka Iran, kaas oo Dowladda Iran ay ku eedeysay dilkiisa Israel.

SAYNISYAHANKII NUKLIYEERKA IRAN EE LA DILAY OO LA AASAYO 2020.jpg
SAYNISYAHANKII NUKLIYEERKA IRAN EE LA DILAY OO LA AASAYO 2020.jpg

Wasaaradda arrimaha dibedda Imaaraadka, ayaa qoraal ay kaga hadashay dilkaas soo dhigtay barteeda Twitter-ka, waxay ku sheegtay inay cambaareynayaan dilkaas, isla markaana waxay ku baaqday in la is-xakameeyo.

“Imaaraadka Carabtu waxay cambaareynayaan khaarijinta Mohsen Fakhrizadeh, waxaanay ugu baaqayaan dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is xakameyn; si looga fogaado in gobolka la geliyo heerar cuusb oo xasillooni darro ah iyo halis amni.” 

Wasaaradda ayaa dilka Fakhrizadeh ku qeexday dembi aad u fool-xun. Dr. Fakhrizadeh, oo dowladda Israel u taqaannay inuu yahay Aabbaha barnaamijka Hubka Nukliyeerka Iran.

Hase-yeeshee, waxaa si darran Jimcihii loogu dhaawacay markii koox hubeysan ay weerareen gaadhigiisa, isla markaana iska hor-imaad uu dhex-maray ilaaladiisa, meel dibedda ka ah magaalada Tehran, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga Iran. Waxaanu u dhintay dhaawacaas saacado ka dib markii uu ku dhacay.

Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani oo si kulul u hadlay, ayaa ballan-qaaday in dalkiisu waqtiga ku habboon ka aargudan doono dilka Saynisyahanka, isla markaana aanu ku dhici doonin shirqool.

Cambaareynta xooggan ee dowladda Imaaraadka Carabta, ayaa imaneysa toddobaadyo ka dib markii ay xidhiidh rasmi ah iyo heshiisyo kala saxeexdeen dowladaha Imaaraadka iyo Israel.

Dowladaha Imaaraadka iyo Sacuudiga, ayaa la rumeysan yahay inay xulufo ku yihiin sidii loo yareyn lahaa saameynta Iran ee gobolka, hase yeeshee Abu Dhabi ayaa la rumeysan yahay ina ka dabacsan tahay Riyadh.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.