Somaliland: Waa Maxay Casriyeynta Taallada Taariikhda Qaranka?

Filed under: Wararka |

Hargeysa(Aftahannews):- Agaasimaha guud ee madaxtooyada Somaliland Maxamed Cali Bile, oo ay weheliyaan Agaasimaha barnaamijka Shaqo qaran iyo Maayerka Hargeysa, ayaa maanta si rasmi ah  u shaaciyey dhismaha  taallo casri ah oo Astaamaha taariikhihii ugu waaweynaa ee ay Somaliland soo martay lagu xardho, oo laga dhisi doono duleedka madxafka qaranka ee uu dhismihiisu ka socdo badhtamaha caasimadda.

TAALLADA TAARIIKHDA QARANKA SOMALILAND HARGEISA 2020

TAALLADA TAARIIKHDA QARANKA SOMALILAND HARGEISA 2020

Kulanka shaacinta dhismahan oo lagu soo bandhigay naqshaddda taalladaas iyo qaabka ay u ekaan doonto, ayuu agaasimaha madaxtooyadu ku faah-faahiyey ujeeddada laga leeyahay taalladan iyo waxyaabaha ay ka koobnaan doonto, waxana uu sheegay inay taalladu qayb ka tahay dhismaha madxafka weyn ee qaranka oo uu dhismihiisu socdo, kaas oo kamid ah midhaha siyaasadda madaxweynaha qaranka.

AGAASIMEYAASHA MADAXTOOYADA SHAQO QARAN IYO MAAYERKA HARGEYSA 2020

AGAASIMEYAASHA MADAXTOOYADA SHAQO QARAN IYO MAAYERKA HARGEYSA 2020

Agaasimaha guud madaxtooyada  Somaliland, Mudane Maxamed Cali Bile, ayaa sharraxay astaamaha sida gaarka ah uga muuqan doona taalladan oo diyaaradda Khayriyadda agteeda saarani qayb ka noqon doonta, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Taalladani waxay koobsanaysaa taariikhda Somaliland oo dhan, diyaaraddanina waa qayb kamid ah taarikhihii oo ah dhibaatadii dalkan ka dhacday, laakiin taariikhaha Somaliland way ka badan yihiin, waxana ay kasoo bilaabmaysaa xilligii gumaystuhu dalka qabsaday, halgankii gobonnimo-doonka, halgankii Daraawiishta,  iyo kuwii ka dambeeyey oo dhan.”

Taalladan dhismaheeda la bilaabi doono, ayaa ah mid casri ah oo ay ka muuqan doonaan Astaamaha ugu waaweyn ee Taariikhda Somaliland,  halkaas oo ajaanibka dalka soo booqdaa si dhib yar uga daalacan doonaan dhammaan wixii dalkani soo maray.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.

You must be logged in to post a comment Login