Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka oo Dhaawac Soo Gaadhay iyo Waxa helay

JOE BIDEN OO DHAAWAcMAY 2020
JOE BIDEN OO DHAAWAcMAY 2020

Washington(aftahannews):- Dhakhtarka gaarka ah ee Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Joe Biden ayaa sheegay in uu Biden ka murgacday lugta xilli uu la dheelayay mid ka mid ah eydiisa.

JOE BIDEN OO DHAAWAcMAY 2020
JOE BIDEN OO DHAAWAcMAY 2020

Mr Biden oo 78 jir ah ayaa lagu soo warramayaa in ay u baxday lugta oo uu dhulka ku dhacay xilli uu la ciyaarayay eyda uu dhaqdo midka ugu weyn. Axaddii uu madaxweyne Donald Trump bartiisa Twitter-ka waxa uu soo dhigay farriin uu ku leeyahay; “Caafimaad degdeg ah ayaan kuu rajaynayaa!”

Mr Biden oo madaxweynaha Jamhuuriga Mr Trump kaga adkaaday doorashadii la qabtay bishii Nofeembar, ayaa lagu wadaa in maanta oo Isniin ah la siiyo xogtii ugu horraysay ee madaxweynaha dalkaas la siiyo. Arrintaas ayaa waxaa suurgalisay markii todobaadkii hore lagu dhawaaqay inuu bilowday hannaankii xilka uu Biden kula wareegi lahaa.

Mr Biden oo horraantii bishan noqday 78-jir ah, ayaa noqonaya madaxweynihii ugu da’da waynaa ee xilka ugu sarreeya dalkaas qabta waa marka 20-ka bisha Janaayo ee sanadka soo aaddan xilka loo caleema saaro ee.

Haddaba iyadoo dhacdadan ay jirto ayaa waxaa la filayaa in si dhaw ay caafimaadkiisa ula socon doonaan xulafadiisa iyo kuwa mucaaradka ku ahba.

Dhakhtarkiisa ayaa bayaan uu soo saaray dabayaaqadii Diseembartii tagtay waxa uu ku tilmaamay inuu Biden caafimaadkiisu wanaagsan yahay oo uu si guul ah ku gudan karo waajibaadkiisa madaxweynenimo.

Madaxweynaha la doortay iyo xaaskiisa Jill Biden, ayaa waxa ay magaalada Delaware ka sameysteen goob ayga lagu xanaaneeyo inay korsanayaanna waxa ay si rasmi ah u shaaciyeen Nofeembar 2018-kii.

Aygan lagu magacaabo Champ ayaa waxa uu qoyska Biden kula noolaa Capitol Hill waqtigii ay ku noolaayeen Washington DC xilligii uu madaxweynaha ahaa Barack Obama, markaas oo uu senatorkii hore ee Delaware uu madaxweyne ku xigeenka ahaa.

Xigasho BBCSomali.