Kenya iyo Soomaaliya oo Safaaradaha kala qaatay iyo Sababta keentay

Soomaaliya oo u yeedhatay safiirkeeda Kenya
Soomaaliya oo u yeedhatay safiirkeeda Kenya

Dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa u yeedhay safiirkeeda dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tasan, kuna wargelisay safiirka Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo inuu dalkiisa ku laabto.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cali Nuur oo caawa la hadlay warbaahinta dawladda, ayaa sheegay in go’aankan dawladdu gaadhay.

Qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in Dawladda Soomaaliya ay go’aankan qaadatay “iyadoo ilaalinaysa madax banaanideeda qaran, kadib markii ay u muuqatay in Kenya si badheedh ah ay u fara galinayso umuuraha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Jubaland.”

Soomaaliya oo u yeedhatay safiirkeeda Kenya
Soomaaliya oo u yeedhatay safiirkeeda Kenya

Soomaaliya ayaa ku eedeysay Kenya inay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe “ku cadaadinayso innuu fuliyo ajandaheeda siyaasadeed, taas oo carqaladaynaysa heshiiskii siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya.”

Maxamed Cali Nuur ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ayna marnaba aqbali doonin fal waliba oo qaranimadeeda iyo amnigeeda dhaawacaya.

Kenya iyo Axmed Madoobe weli kama jawaabin eedeynta ka timid dowladda Soomaaliya.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.