Sucuudiga oo xidhxidhay saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga

Sucuudiga oo xidhxidhay saraakiil ka tirsan wasaaradda Gaashaandhigga
Sucuudiga oo xidhxidhay saraakiil ka tirsan wasaaradda Gaashaandhigga

Riyadh (Aftahannews) – Xukuumadda Sucuudiga ayaa sheegtay in la bilaabay baadhitaan lagu hayo musuqmaasuq ka dhacay wasaaradda gaashaan dhigga dalkaas oo lacagta la lunsaday lagu qiyaasay 325 milyan oo doolar.

Wakaaladda ka hortagga musuqmaasuqa dalkaas ayaa sheegtay in dadka baadhitaanka lagu hayo ay ka mid yihiin masuuliyiin iyo ganacsato.

Sidoo kale waxa wararku sheegayaan in baadhitaannada musuqmaasuqa ee la wado ay ka mid yihiin eedo lagu soo oogay shaqaale ka tirsan wasaaradaha maaliyadda, caafimaadka iyo waxbarashada.

Sucuudiga oo xidhxidhay saraakiil ka tirsan wasaaradda Gaashaandhigga
Sucuudiga oo xidhxidhay saraakiil ka tirsan wasaaradda Gaashaandhigga

Wakaaladda wararka ee Sucuudiga ayaa sheegtay in la xaqiijiyey in “dhawr sarkaal iyo shaqaale rayid ah oo ka tirsan wasaaradda gaashaan dhigga lagu helay falal lunsi maaliyadeed ah oo shaki leh iyo sidoo kale in lagu helay laaluush iyo ku takri fal awoodeed oo ay dadkaasi awoodooda u adeegsadeen in ay lunsadaan lacag dhan 229 bilyan oo Riyaal.”

Warbixinta wakaaladdu waxay intaa ku dartay in “48 qof la baadhay lana ogaaday in 44 ka mid ah maxkamad la soo taagi doono, sidoo kalana haatan laga shaqaynayo sidii lacagtaa ay lunsadeen loogu soo celin lahaa khasnadda dawladda”.

Waayadan dambe ayaa dhaxal sugaha taajka boqortooyada, Maxamed Bin Salmaan, wuxuu ku faanayey in uu wado olole ballaadhan oo uu wax kaga qabanayo musuqmaasuqa ka wado dalkaas oo arintaasina tahay mid uu muhiimadda koobaad siinayo.

Sannadkii 2017 ayaa boqolaal qof oo isku jira amiirro, wasiirro iyo ganacsato ba lagu xidhay hudheelk ku yaal magaalada Riyadh si loogu qasbo in ay lacag malaayiin doolar ah ugu bedeshaan xorriyadooda.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.