Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu xidhay Hargeysa

Xildhibaan Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow
Xildhibaan Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow

Hargeysa (Aftahannews) – Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, sidoo kalena ah Musharrax Madaxweyne, ayaa Axaddii maanta Booliska Somaliland ku xidheen.

Xildhibaan Dhuxulow, ayaa xabsiga loo taxaabay, ka dib markii Ciidanka ammaanku ka qabteen garoonka diyaaradaha Cigaal Airport ee magaalada Hargeysa. 

Ma jiro war rasmi ah oo Hay’adaha amaanku ka soo saareen xadhigga Xildhibaanka. Hase-ahaatee, ila-wareedyo xog-ogaal ah, ayaa sheegay in Mustaf Dhuxulow ay Shirkad Jarmal ah oo Hargeysa deggeni u soo saartay dal-ku-galka Somaliland, si uu Hargeysa shir ugaga qaybgalo.

Warku waxa uu intaas ku daray in hay’adaha ammaanka Somaliland, ay markii dambe ogaadeeny in qofka dal-ku-galka loo soo saaray yahay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, taasi oo keentay in la xidho oo xabsiga loo taxaabo.

Xildhibaan Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow
Xildhibaan Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow

Mustaf Dhuxulow, ayaan intaan la xidhin Saraakiisha madaarka Cigaal ee Hargeysa tusay dal-ku-galka uu sitay, kaas oo la laalay, lana joojiyay.

Waxa la filayaa in Xildhibaanka dib loogu celiyo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.