Ciidammada Millateriga Ethiopia oo Ku Raad-jooga Madaxdii Tigrayga iyo Hanjabaadda TPLF

Military of Ethiopia
Military of Ethiopia

Addis Ababa (aftahannews):- Dowladda Itooobiya ayaa sheegtay inay ugaarsaneyso oo ay ku raadjoogto hogaamiyayaashii gobolka Tigrey, maalin uun ka dib markii ay dowladda federaalka sheegtay inay la wareegtay magaalada madaxda Tigrey ee Mekelle.

Military of Ethiopia
Military of Ethiopia

Lama oga ilaa iyo imika halka ay ku sugan yahay hogaamiyihii gobolka Tigrey ,Debretsion Gebremichael.

Mr Debretsion ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in dhaqdhaqaaqa TPLF ay sii wadi doonaan dagaalka.

Dhanka kale safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay dalka dariska la ah Itoobiya ee Eritrea ayaa sheegtay in 6 qarax laga maqlay caasimadda, Asmara, shalay galinkii dambe.

Rai’sul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku tilmaamay hoggaanka Tigrey inay yihiin dambiilayaal.

Xilli dowladda fedaraalka ay sheegtay inay la wareegtay caasimadda Tigrey ee Mekelle ayaa waxaa uu Mr Abey qorsheynayaa inuu badalo maamulkii hore ee gobolkaasi lana dhiso mamaul cusub.

Balse hogaamiyayaasha Tigray ayaa waxay wacad ku mareen inay sii wadi doonaan dagaalka ay ku raadinayaan xaqa ay dadkooda u leeyihiin aaya ka tashigooda.

Arrintan ayaa waxaa ay muujinaysaa suurtagalnimada dagaal jabhadeed oo ka bilaabmay gobolkaasi.

Waxaa aad u adag in la xaqiijiyo wararka gobolkaasi laga helayo maadaama isgaarsiinta ay go’an tahay.

Eritrea oo horey ay TPLF ugu eedeeyeen inay dagaalka qeyb ka yihiin ayaa waxay wararku sheegayaan in qaraxyo waawayn laga maqlay, balse ma cadda waxa ay qaraxyadaasi yihiiin.

Xoogagga TPLF ayaa waxay horey madaafiic ugu garaaceen caasimadda.

Halkuu salka ku hayaa khilaafka?

Guddiga fulinta ee deegaanka ismaamulka Tigreega ee dalka Itoobiya ayaa bishii September sheegay in go’aan kasta oo golaha Federeeshiinka ka soo baxa oo lagu joojinayo doorasha ka dhacda deegaankaasi uu ula mid yahay dagaal la iclaamiyey oo lagu soo qaadayo deegaanka Tigreega.

“Shacabka Tigreega waxay xaq u leeyihiin iney doortaan ciddii hoggaamin lahayd, halka la rabay in lagu dhiirrigeliyo in la carqaladeeyo doorashadooda waa mid lid ku ah geeddi socodka dimuqraadiyadda” ayaa war-murtiyeedka lagu yiri.

Hase yeeshee golaha ayaa go’aamiyay in dowladda ay maamulka sii heyso muddo aan la cayimin, iyagoo amar ku bixiyay in doorashada dib loo dhigo sababo la xiriira fayraska corona.

Arrintaas ayaa horseedday xiisad weyn oo ka dhex billaabatay xukuumadda uu hoggaamiyo Dr Abiy Axmed iyo siyaasiyiinta gobolka Tigray.

Gobolka Tirgay ayaa looga dhawaaqay in doorashadiisa aan dib looga dhigi doonin waqtigii sharciga ahaa, taasoo horseedday ismariwaa baaxad leh.

Maamulka Tigreega ayaa ka dhagafureystay digniinaha iyo farriimaha uga imanayay Aqalka Sare, Guddiga doorashooyinka qaranka iyo dowladda dhexe ee dalkaasi Itoobiya intaba.

Doorahsda guud ee Itoobiya ka dhici lahayd bisha September 2020, ayaa dib loo dhigay sababa la xiriira cudurka safmarka ee Coronavirus, iyada oo labada aqal ee dalkaasi ay cod buuxa ku ansixiyeen in doorashada dib loo dhigo 9 bilood ilaa sanad.

Xiisadda taaga waxay sare u qaadday cabsida laga qabo in xisbiga Tigray-ga ee TPLF uu tallaabo u qaadi karo sameynta maamul u gaar ah oo ka madax bannaan federaalka Itoobiya.

Siyaasiyiinta TPLF waxay mar walba ku celceliyaan inay diyaar u yihiin sidii uu gobolkaas – oo xad la wadaaga Eretariya – uu uga sii mid ahaan lahaa Itoobiya. Laakiin waxay hoosta ka xariiqeen in ay difaacan doonaan waxa ay ugu yeereen “ismaamulka iyaga u gaarka ah”.

TPLF waxay horraan dowladda dhexe ugu eedeysay inay waddo qorsheyaal ay kusoo weerareyso gobolka.

Xisbiga TPLF ayay awoodda dalka Itoobiya gacanta ugu jirtay ku dhawaad 30 sano markaasi oo uu ka dib Abiy uu xukunka kala wareegay sanadkii 2018-kii.

Xigasho BBCSomali.com.