Siyaarada Sheekh Cabdiqaadir Jilaani oo laga xusay magaalada Hargeysa

Hargeysa (Aftahannews) – Munaasibad balaadhan oo lagu xusayay siyaarada Sheekh Cabdiqaadir Jiilaani ayaa maanta waxaa lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Munaasibadan ayaa waxaa soo qabanqaabiyeen culimada Jimiyatul Qaadiriya oo ka tirsan Xerta Sheekh Maxamed Rabiic.

Waxaana ka soo qeybgalay munaasibadan culimo udiin, Xildhibaano, saraakiil ka tirsan ciidamada, Arday iyo marti sharaf kale.