Somaliland: Waa immisa Oddoroska Miisaaniyadda 2021 ee Golaha Wasiirrada la horgeeyey?

MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUUSE BIIXI ABDI 2020
MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUUSE BIIXI ABDI 2020

Hargeysa(Aftahannews):- Shirkii 67-aad ee Golaha Wasiirrada Somaliland ee Khamiistii Maanta qabsoomay, ayaa la horgeeyey Oddoroska Miisaaniyad-Sannadeedka 2021-ka, waxaana Warbixinno lagaga dhegaystay Wasiirrada arrimaha gudaha iyo Caafimaadka.

MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUUSE BIIXI ABDI 2020
MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUUSE BIIXI ABDI 2020

War-saxaafadeed uu ku saxeexnaa Afhayeenka madaxweynaha Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa lagu faahfaahiyey qodobbada kala duwan ee lagaga hadlay Shirka golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta aftahannews, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Fadhigii 67aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ay ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi , kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo maanta la horkeenay miisaaniyad sannadeedka 2021-ka.
Ugu horrayn wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha, ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladda guud ee nabadgelyada dalka, sidoo kale, wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka, ayaa warbixin golaha ka siiyey xaaladda caafimaad ee dalka iyo heerka uu marayo xanuunka safmarka ah ee covid 19 oo caalamka ku soo laba kacleeyey, dalka Somaliland-na ka jira, kaasoo saamayn ku yeeshay mar kale caafimaadka bulshada, isagoo wasiirku ku dheeraaday dedaalka wasaaraddu ugu jirto la dagaallanka covid 19, waxaanu madaxda iyo shacbiga ku adkeeyey inay ka feejignaadaan fiditaanka xanuunka koroona fayras, una hoggaansamaan awaamiirta caafimaad ee lagaga hortagayo.
Wasaaradda horumarinta maaliyadda ayaa golaha horkeentay Oddoroska miisaaniyad-sanadeedka 2021-ka, waxana golaha sharaxaad ka siiyay wasiir ku xigeenka wasaarada horumarinta maaliyadda isagoo dul istaagay qaybaha miisaaniyaddu ka kooban tahay iyo meelaha ay diiradda saarayso, wuxuuna xusay inay dalka soo food-saareen xaalado dhaqaale oo ay sababeen covid 19, Ayaxii dalka ku habsaday iyo hakintii arrimaha xajka kuwaasoo saamayn weyn ku yeeshay dhaqaalihii dalka, waxaanu tilmaamay in ganacsatada iyo cashuur bixiyeyaasha dalku ay door muuqda ka qaateen bixinta cashuuraha ku waajibay si ay u daboolanto miisaaniyaddii hore ee ay caqabaduhu soo wajaheen.
Ugu danbayn miisaaniyadan 2021 waxay miisaaniyad sannadeedkii hore ka badnaan doontaa 2.7%, waxana goluhu gudo galay doodda iyo falanqaynta miisaaniyad-sannadeedka 2021-ka, iyadoo goluhu ku ansixin doono fadhiyada dambe. ALLAA MAHAD LEH.”
https://youtu.be/TyKRET2wAKw