Muqdisho: Midawga Musharrixiinta oo War-murtiyeed Soo Saaray, Kuna Hanjabay inay doorasho qabanayaan

AFHAYEENKA MIDAWGA MUSHARRIXIINTA SOMALIA 2020
AFHAYEENKA MIDAWGA MUSHARRIXIINTA SOMALIA 2020
Muqdisho(aftahannews):- Midawga Musharrixiinta u taagan madaxtinnimada Soomaaliya, ayaa dowladda federaalka ugu baaqay inay kala dirto Guddiyada ay hore ugu xushay doorashada oo ay saluug weyn ka muujiyeen, tilmaameenna in Shaqaale dowladeed iyo Saraakiil Ciidan ku jiraan, waxaanay ku hanjabeen inay doorasho qaban doonaan, haddii dowladdu diiddo inay qabato doorasho heshiis lagu yahay.
AFHAYEENKA MIDAWGA MUSHARRIXIINTA SOMALIA 2020
AFHAYEENKA MIDAWGA MUSHARRIXIINTA SOMALIA 2020
Shir Midowga Musharrixiinta doorashada madaxtinnimada Soomaaliya oo shantii maalmood ee u dambeeyey ka socday magaalada Muqdisho oo ay  kulammo kula yeesheen Culimada, Haweenka, Aqoonyahanka, Dhalinyarada, Ururrada Bulshada rayidka ah iyo Shir-guddoonka golayaasha Baarlamaanka, ayaa la soo gebo-gabeeyey, waxaana laga soo saaray War-murtiyeed 18 Qodob ka kooban, kaas oo lagaga hadlay arrintaas iyo kuwo kale oo doorashada iyo degganaanshaha dalka ee xilliga kala guurka ah la xidhiidha.
Shirka, ayaa ujeeddadiisu ahayd inay arrimaha doorasho xor iyo xalaal ahi ku qabsoomi karto ugu midoobaan Musharrixiinta xilka madaxtinnimada Soomaaliya ee doorashada 2021 u taagan, isla markaana wada-tashi la sameeyaan darafyadaas kala duwan ee ay la kulmaan, iyagoo si isku mid ah uga soo horjeestay Guddiyada doorashada ee ay dowladdu magacawday oo ay ku eedeeyeen inay ku soo dartay Shaqaale dowladeed iyo Saraakiil ciidan, sidaa daraaddeedna ay walaac ka muujiyeen sida ay dhex-dhexaad u noqon karaan iyo kalsoonida lagu qabi karo inay doorasho loo siman yahay qabtaan.
Waxaanay Musharrixiinta midoobay War-murtiyeedkooda ay Khamiista maanta soo saareen ku soo jeediyeen in la kala diro guud ahaan Guddiyada doorashada Xildhibaannada Baarlamaanka soo socda ee 2021 ee dowladda federaalka Soomaaliya magacawday iyo  in Guddiga doorashada Xildhbaannada gobollada Waqooyi loo madax-bannaaneeyo in uu soo magacaabo Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi, in xal laga gaadho qabashada doorasho xor iyo xalaal ah iyo qodobbo kale.
War-murtiyeedkaas ka kooban 18-ka qodob ee Midawga Musharrixiintu soo saareen oo nuqulladiisu soo gaadheen warbaahinta aftahannews.com, waxaanay u dhignaayeen sidatan ee ka bogasho habboon:-
WAR-MURTIYEEDKA MIDAWGA MUSHARRIXIINTA SOMALIA 1 2020
WAR-MURTIYEEDKA MIDAWGA MUSHARRIXIINTA SOMALIA 1 2020

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Somalia.