Maxaa Ka Soo Baxay Shir Somaliland loogu Qabtay Koonfur Afrika oo la Soo Gebo-abeeyey?

Johannesburg (aftahannews):- Shir Lagaga hadlayey qaddiyadda aqoonsiga Somaliland oo lagu qabtay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, ayaa la soo gebo-gabeeyey, waxaana la iskula qaatay in la garab-istaago Somaliland.

Wasiirka horumarinta Maaliyadda Somaliland Sacad Cali Shire iyo Wakiilka Dowladda Somaliland u jooga Koonfur Afrika Axmed Jaamac ka qaybgalay shirka, ayaa ka warramay natiijada ka soo baxday, waxaanay sheegeen in wixii ay ka filayeen wax ka weyni ka soo baxay, isla markaana ujeeddada shirkaasi ahayd in la garab-istaago Somaliland dhinacyada aqoonsi-raadinta, horumarinta dhaqaalaha iyo sidii baasaaboorka dalkan loogu tagi lahaa Koonfur Afrika iyo qodobbo kale.

Haddaba, Wasiir Sacad Cali Shire iyo Wakiil Axmed Jaamac oo sharraxaya ujeeddada shirkaas iyo natiijada ka soo baxday-ba, waxaannu warkooda idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.