Maxaa Khasaare Ka Dhashay Roobabka Saacadaha Badan ka Da’ayey Berbera iyo Xeebaha Saaxil?

Berbera(aftahannews):- Masuuliyiinta dowladda hoose ee degmada Berbera iyo Maamulka gobolka Saaxil, ayaa ka warbixiyey Roobab dhawr iyo tobankii saacadood ee u dambeeyey ka da’ayey magaalada Berbera iyo inta badan deegaannada Xeebta ee gobolka Saaxil, kuwaas oo aan wax khasaare nafeed ah geysan weli, balse dumiyey laba Guri oo ku magaalada ka mid ahaa.

Roobabka saacadaha badan ka da’yey Berbera iyo nawaaxigeeda oo la sii saadaaliyey inay noqon doonaan Roobab Dabaylo wata, ayaan noqon sidii laga baqa-qabay inay saamayn taban u yeelan doonaan, iyadoo maalmo ka hor Masuuliyiinta dowladda ee heer gobol iyo degmo Dadweynaha uga sii digeen inay ka fogaadaan meelaha Biyo-mareenka ah, Dooxyada, Xeebaha iyo inaanay Kalluumaysatadu Badda gelin maalmaha Roobabkani da’ayaan.

Xoghayaha Fulinta Dowladda hoose ee Berbera Cabdikariin Aadan-cadde oo Warbaahinta la hadlay, waxaanu ka warramay khasaaraha ay illaa hadda og yihiin ee Roobka Berbera ka da’ay sababay, waxaanu yidhi; “Waxa Allaah mahaddii ah in aan roobabkii Berbera ka da’ayey saacadihii ugu dambeeyey, aanay wax khasaare nafeed ah geysan, marka laga reebo laba Guri oo qadiimi ahaa oo ku yaallay Xaafadaha Barwaaqo iyo Daaroole.”

Haddaba, Warbixinta ku saabsan Roobabka saacadaha badan ka da’ayey magaalada Berbera iyo deegaannada gooblka Saaxil, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.