Somalia: Waa immisa Tirada Dadka ay Saamaysay Duufaanta Gati ee ku Dhufatay Xeebaha Puntland?

DUUFAANTA GATI EE KU DHUFATAY XEEBAHA PUNTLAND EE SOOMAALIYA 2020
DUUFAANTA GATI EE KU DHUFATAY XEEBAHA PUNTLAND EE SOOMAALIYA 2020

Puntland(Aftahannews):- Xafiiska Qaramada Midoobey ee arrimaha banii’aadanimada ayaa sheegay 42,000 qof ay ka qaxeen duufaantii roobabka iyo dabeylaha wadatay ee dhawaan ku dhufatay xeebaha Puntland.

DUUFAANTA GATI EE KU DHUFATAY XEEBAHA PUNTLAND EE SOOMAALIYA 2020
DUUFAANTA GATI EE KU DHUFATAY XEEBAHA PUNTLAND EE SOOMAALIYA 2020

Ha’yaddda waxay sheegtay in duufaanta Gati ay khasaare ka geysatay gobolka xilli ay xirmeen waddooyinka taasina ay adkeysay in gargaar la gaarsiiyo dad ay saameeyeen fatahaadaha.

Xafiiska wuxuu sheegay in maamulka Puntland uu ku qiyaasay 180,000 qof inay saameysay duufaanta.

Roobabka mahiigaanka ah ee ka da’ay magaalada Boosaaso ayaa waxay saamayn ku yeesheen isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha iyo sida oo kale nolosha caadiga ah ee dadka deggan magaaladaas.

Roobabkan ayaa ku soo beegmaya xilli meel badan oo xeebaha Puntland ay ku dhufatay duufaanta Gati, oo keentay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed.

Xigasho bbcsomali.com.