Golaha Amaanka oo dhageystay warbixin ku saabsan doorashada Soomaaliya

Golaha Amaanka Qarramada Midoobey
Golaha Amaanka Qarramada Midoobey

New York (Aftahannews) – Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble oo soo xidhay shirka Golaha Amaanka Qarramada Midoobey oo looga hadlayay xaalada dalka Soomaaliya ayaa warbixin ka siiyay Golaha Arrimaha Doorashooyinka la filayo in ay dalka ka dhacaan.

Ra’iisal Wasaare Rooble  ayaa ugu horreyn ka hadlay  heshiiskii ay gaadheen madaxda dalwadda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ee ku saabsan doorashada Soomaaliya. Waxa uu sheegay inay Soomaaliya ka go’antahay qabashada doorashada baarlamaanka dabayaqaada sannadkan, iyo doorashada hoggaanka horraanta sannadka soo socda.

Golaha Amaanka Qarramada Midoobey
Golaha Amaanka Qarramada Midoobey

”Waxaa naga go’an in aan qabanno doorasho xor ah, isla markaana ku dhacda waqtigeedii, waxaan ilaalin doonnaa qoondada haweenka ee baarlamaanka oo ah 30%, ayuu yidhi Ra’iisal Wasaare Rooble.

Guddi gaar ah ayuu sheegay in uu saaray  dejiya tubta loo marayo doorasho qof iyo cod ah oo waddanka ka dhacda 2024/2025, waxaana uu sheegay in ay durba soo gudbiyeen qoraal qabyo ah kaasi oo la hordhigi doono Golaha Wasiirrada.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inay dawladdu Baarlamaanka u gudbin doonto xubnaha guddiyada la dagaalanka musuq-maasuqa iyo guddiga xuquuqda aadanaha.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.