Golaha Guurtida Somaliland oo ansixiyey ajandaha kal-fadhiga 73aad ee golahaas

Golaha Guurtida Somaliland
Golaha Guurtida Somaliland

Hargeysa (Aftahannews)- Musdanayaasha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta cod gacantaag ah ku ansixiyay Ajandaha kalfadhiga 73-aad ee golaha guurtida Somaliland.

Fadhigii maanta ee golaha guurtida Somaliland oo uu shirgudoominayey guddoomiyaha golahaas mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayey mudanayaashu cod gacan taag ah u qaadeen ansixinta ajandaha kalfadhigooda 73aad, iyada oo ay fadhigaas ka soo xaadireen 43 mudane, waxaana ogolaaday 41 xildhibaan, halka uu diiday hal mudane cid ka aamustayna may jirin guddoomiyuhuna muu codeyn ajandaha kalfadhiga 73aad ee golaha guurtiduna sidaas ayuu ku ansaxay.

Waxaana ka mid ah ajandaha golaha guurtida Somaliland ee kalfadhigooda 73aad, qodobo ay ka mid yihiin siyaasadda arrimaha gudaha, arrimaha dibadda, nabadgalyada iyo horumarinteeda, arrimaha bulshada, deegaanka, dhaqaalaha iyo arrimo kale oo muhiim u ah qaranka.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.