Muqdisho (Aftahannews) – Shirkan oo markiisii hore ku bilaabmay musharixiinta garabka mucaaradka oo kaliya ayaa hadda waxaa ku biiraya dhinacyo kale xubno oo isugu jira Ururrada bulshada rayidka iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Galinkii hore ee maanta waxaa madasha shirkan uu ka soconayo taggay guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi iyo mas’uuliyiin xubnaha dowladda ee ka soo jeeda gobollada Waqooyi, halka galinkii danbe ee maanta ay madasha shirka booqdeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Ku-xigeenkiisa koowaad Cabdi Wali Sheekh Ibraahim Muudeey.
Waxaa soo dhaweeyay labadan mas’uul xubno ka tirsan musharixiinta garabka mucaaradka oo ay ka mid ahaayeen madaxweynayaashii hore ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug.
Shirkan musharixiinta sida ku qoran jadwalka qorsuhu ahaa in maanta la soo gabagabeeyo ayaa sii socon doona ilaa maalinta berri ah, madaama ay ku biireen wajiyo oo la filayo in ay qeyb ka noqdaan war-murtiyeedka lagu waddo in shirka laga soo saaro.
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.