James Swan oo Warbixin ka siinaya Golaha Amaanka Doorashooyinka iyo Amniga Soomaaliya

New York (Aftahannews) – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa maanta warbixin ku saabsan xaaladaha amniga iyo siyaasadda Soomaaliya, siin doona Golaha Amniga ee ku sugan magaalada New York.

James Swan ayaa la filayaa inuu Golaha ku wargeliyo khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka ee la xidhiidha guddiyada doorashooyinka ee uu dhowaan dhisay Ra’iisal Wasaaruhu ayna diideen mucaaradka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inay ugu baaqaan dowladda federaalka inay tixgeliso cabashooyinka mucaaradka lanala sameeyo guddi cusub oo lagu heshiiyo oo hirgeliya doorashooyinka.

In ka badan 10 musharax madaxweyne oo ku shiray magaalada caasimada ah ee Muqdisho, ayaa diiday hay’adaha doorashooyinka ee uu dhawaan magacaabay ra’iisul wasaaraha, Maxamed Xuseen Rooble, iyagoo sheegay in aysan dhexdhexaad ahayn.

Sidoo kale, hay’adda culimada ayaa dowladda ugu baaqay in ay gogol u fidiso mucaaradka si looga heshiiska khilaafka caqabad ku keeni kara doorashada.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.