Xasan Cali Khayre oo ka digay dhibatooyinka ka dhalan kara doorasho aan heshiis lagu ahayn

Xasan Cali Khayre 2020
Xasan Cali Khayre 2020

Muqdisho (Aftahannews)- Ra’iisal-wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta Muqdisho si diirran loogu soo dhaweeyey, ayaa sheegay in shacabku ay walaac ka muujinayaan xaaladda siyaasadeed ee uu haatan dalka Soomaaliya marayo xilli ay socdaan howlaha doorashadu, waxaanu ka digay doorasho aan heshiis lagu ahayn in la qabto.

Xasan Cali Khayre 2020
Xasan Cali Khayre 2020

Xasan Khayre, waxa uu sheegay haddii aan lagu heshiin habka doorashooyinka Baarlamaanka iyo  Madaxweynaha Soomaaliya ee 2021ka, inay ka dhalan karaan dhibaatooyin iyo qalalaase siyaasadeed oo ay dalka u horseedi karto doorasho aan laysla oggolayn oo dawladdu si jujuub ah u qabato.

“Si aan uga fogaano qalalaase dalkan ka dhaca, si dowladnimada aanay gadaal ugu dhicin si ummadda Soomaaliyeed aanay u niyad jebin waxaa muhiim ah in dalka ay ka qabsoonto doorasho laisla ogolyahay.” sidaa ayuu yidhi Khayre.

Kheyre wuxuu intaas ku daray; “Haddii aan lagu heshiin nidaamka doorasho oo aan lagu wada qanacsanaan, lagu heshiin mayo dowladnimada ka dhalata, sidaas daraadeed ayay muhiim tahay in aan ka baranno taariikhdii lasoo dhaafay iyo tan maanta ka taagan dunida oo ay ugu horreeyaan dalalka deriskeena gaar ahaan Itoobiya oo qalalaasaha hadda ka taagan loo aaneynayo inay salka ku heyso doorasho dib loo dhigay ama lagu heshiin waayay”.

Xasan Cali Kheyre oo ka mid ah musharraxiinta u tartameyso xilka madaxtinimada Soomaaliya ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ololahiisa doorashada ka bilaabay.

Waxaa soo badanayay dhalliilaha dowladda federaalka Soomaaliya loogu jeedinayo go’aankeeda ay ku soo xulatay xubnaha guddiga doorashada.

Mas’uuliyiinta dowladda oo arrimahaas horay uga hadlayna waxay sheegeen in soo magacaabista guddiga loo maray waddo sax ah.

Aftahannews.com 

Muqdisho/Soomaaliya.