“Muuse Biixoow adiga ayaa ka daran Siyaad Bare”..Mujaahid Cabdi Ismaaciil

Hargeysa (Aftahannews)- Muj cabdi Ismaaciil Maxamuud oo ka mid ahaa dhalinyaradii UFO Ee taliskii Siyaad Bare dilka ku xukumay kana soo jeeda qoyska Maxamed Xasan Dalab ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadal madaxwayne biixi ka jeediyay aaskii marxuum Cumar Carte oo uu sheegay in uu dafiray xaqiiqada taariikhda indhaha ka qarsaday markii uu ka hadlay guryihii Siyaad Bare dumiyay ee isku sakada ahaa oo uu ka booday ka Maxamed Xasan Dalab.

Sidoo kale muj Cabdi Ismaaciil ayaa sheegay in aanay jirin cid qabato Muuse Biixi oo uu sheegay in uu hayo jidkii Siyaad dad shacab ah hantidoodii xoog kaga qaatay isagoo xusay marwadii marxuum cigaal ,shacabka buurta kala jeex iyo qoyska Maxamed Xasan Dalab oo uu xoog ciidan kaga haystp dhulkiisii.

Dhanka kale, waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in Madaxweyne Muuse Biixi maanta yidhaah Cabdi Xaashi ayaa nasteex Somaliland ah ujooga Muqdisho balse uu muuse biixi isagu yahay fadaraal doon Soomaali-wayn ah.

Hoos ka daawo muuqaalka