Somaliland: Maxaa Keenay in Guddiga Tamartu Bil gudeheed soo Saaraan laba Wareegto oo is-burinaya?

Guddoomiyaha Guddiga Tamarta Somaliland iyo Wareegtooyinka is-burinaya ee ka soo baxay 2020
Guddoomiyaha Guddiga Tamarta Somaliland iyo Wareegtooyinka is-burinaya ee ka soo baxay 2020

Komishanka Tamarta iyo Korontada Somaliland ee uu dhawaan Madaxwaynaha Somaliland magacaabay, kuwaas oo Aan lagu soo xulin nidaamkii uu jideeyay Xeerka korontada Somaliland Ee Ay golaha wakiiladu Ansixiyeen islamarkaana Uu Madaxwayne biixi si toosa usoo magacaabay mudo Haatan laga Joogo Sedex bilood iyo dheeraad, Xilkana La Wareegay Horaantii Bishan ayaa Mudadaa Gaaban ee ay joogeen waxay Soo saareen laba Wareegto oo ay ku socodsiiyeen shirkadaha Bixiya adeegta Korontada ee Somaliland Kuwaasi oo iska hor Imanaya.

Guddoomiyaha Guddiga Tamarta Somaliland iyo Wareegtooyinka is-burinaya ee ka soo baxay 2020
Guddoomiyaha Guddiga Tamarta Somaliland iyo Wareegtooyinka is-burinaya ee ka soo baxay 2020

Hadaba wareegtooyin ay soo saareen komishanka korontada Somaliland oo mudo bil ahi udhaxayso wakhtiyada ay soo kala Baxeen ayaa abuuray dareeno kala duwan oo la xidhiidha Qaabka ay ushaqaynayaan iyo sida ay ugu cadaalad samayn Karaan shirkadaha bixiya laydhka oo khilaaf xoogani ka Dhexeeyo islamarkaana wasaarada macdanta iyo tamarta oo Iyadu ah wasaarada ku shaqada leh ay ku guul daraysatay in Ay Shirkadaha laydhka si siman ugu adeegto taasi oo lagu Eedeeyay in ay gacan saar dhow la leedahay shirkada Sompower oo wasiirka wasaarada macdanta iyo tamartu Kamid Yahay saami laydeeda hore uu uga ahaa gudoomiye Kuxigeenka Shirkada Sompower, ka hor intii aan loo Magacaabin wasiirka Wasaarada macdanta iyo tamarta Somaliland .

Iyadoo hore aynu u ogayn khilaafka udhexeeyay shirkadaha Laydh ee caasimada hargaysa ka hawlgala iyo wasaarada Macdanta iyo tamarta oo mararka qaar khilaafkoodu gaadhay In ay is gacan saaraan shaqaalaha shirkadahani islamrakaana Khatar ku ah bulshada xadhkaha dabkoodu Dulmaro, ayaa Komishankii Uu madaxwaynuhu umagacaabay korontada Waxay bilaabeen In Ay soo saaraan wareegtadoodii kowaad Oo ay gabi ahaanba Ku xayirayaan fidinta laydhka oo horeba Ay shirkadaha qaar uga Cabanayeen. Taasi oo soo baxday.

05/10/2020 taasi oo ay saldhigyada booliska ku wargaliyeen In Aan la fidin Karin laydh cidii  lagu arkana ay ciidamada Amaanku Talaabo ka qaadaan.

Sidoo kale komishanka korontada ayaa  wareegtadii   labaad Oo Ay shirkadaha bixiya adeegka laydhku ku farayaa amaro la Xidhiidha shaqada ay hayeen  soo saaray 11/11/2020,  taasi Oo Lagu baahiyay televisionka qaranka iyadoo ka koobnay 11 Qodob.una muuqata in ay ka hor imanaysa wareegtadii hore Ee Ay ku xiyireen fidinta laydhka.

Wareegtooyinka kasoo baxay xafiiska komishanka korontada Oo Uu ku saxeexan yahay gudoomiyaha komishanka Korontadu Axmed faarax Cadare ayaa soo Kala baxay mudo Bil gudaheed ah,

Dhanka kale komishanka korontada oo sheegay in ay cadaalad  Usamaynayaa shirkadaha laydhka oo hore cadaalad daro Badan Uga tirsanayay wasaarada macdanta iyo tamarta ayaa Wareegtooyinka isburinaya ee kasoo baxay komishanka Korontadu waxay bulshada iyo shirkadaha laydhka ku Abuureen Dareeno kala duwan oo shaki ku keenay shirkadaha Laydhka Iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan, Kuwaasi oo lagu micneeyay in ay yihiin kuwo aan ku Dhisnayn Xaqiiqo islamarkaana aan ka turjumayn baahida ay Shirkadaha Caasimada hargaysa ka hawlgala uqabaan in ay Helaan cadaalad Iyo si loogu garsooro si siman balse  Umuuqda mid aan waxka Badalayn dareenkii ay qabeen iyo in Ay si dhex dhexaada ugu Adeegaan, balse ay komishanka Korontadu qaadeen durba jidkii Wasaarada macdanta iyo Tamarta oo iyadu garab siinaysa Shirkada sompower, halka ay Cadaadis baahsan ku haysay Shirkadaha National Power Electric, Gaafane Electric Iyo Telesom power oo iyagu ah Shirkadaha Bixiya adeega laydhka Ee badi xaafadaha Caasimada Hargaysa.

Dhanka kale shirkadaha adeega laydhka bixiya ee aan Ahayn Sompower ayaa dhibaato wayni ka haysataan in Ay bulshada Ubaahan adeega laydhka gaadhsiiyaan Taasi oo ay hore Caqabad ugu ahayd wasaarada Macdanta iyo tamarta oo Udiiday in ay laydhka Fidiyaan, Halka ay shirkada sompower u Ogolaatay Fidinta laydhka ee xaafadaha magaalada hargaysa.

Sikastaba ha ahaatee komishanka korontada ee Dhawaan Madaxwayne biixi magacaabay ayaa durba Umuuqda kuwo Luminaya kalsoonida shirkadaha Laydhka ee caasimada Hargaysa iyadoo talaabooyinka Ay qaadayaan laga muujiyay Dareeno shaki leh, Islamarkaana u xaglinaya awaamiir ay Umuuqato in ay Kasoo fuliyaan wasaaradii hore ugu fashilantay Cadaalad usamaynta shirkadaha laydhka ee Somaliland  Oo Iyadu mashaariicdii haayadaha caalamiga ah Iyo Baanka Aduunku ugu talo galeen in lagu taageero Shirkadaha laydhka Ee laga dhalinayo tamarta cadceeda u Xidhay shirkada Sompower si bulshada reer Somaliland Uhelaan laydh Jaban, Halka Ay shirkadaha kale ee Magacyadooda ay kor kusoo Xusnayna ay Ka hortaagan yihiin in ay Helaan mashaariicda lagu Taageerayo Shirkadaha laydhka ee Tamarta cad ceeda, iyadoo shirkadaha laydhka ee Gaafane.Indha Birta iyo Telesom ay ka qiimo jaban yihiin shirkada Sompower ee loo xidhay deeqihii caalamiga ahaa ee loogu talo galay in lagu taageero shirkadaha laydhka Somaliland si ay bulshada ugaadhsiiyaan laydh qiimihiisu jaban yahay.

Halka shirka Sompowerna ay ka tahay shirkada ugu qiimaha Qaalisan shirkadaha Bixiya laydhka, iyadoo heshay xataa Deeqihii baanka aduunka iyo haayadaha caalamiga ku Taageereen korontada laga dhaliyo cad ceeda oo wasaarada Macdanta iyo tamartu ku naasnuujisay,

Waxa Qoray WAJAALENEWS.NET.