Heerka Kalsoonida iyo Guusha Jacayl ee Mustaqbalka oo Xisaab lagu cabbiray

Filed under: Qubanaha,Wararka |

Macalin ku takhasusay maaddada xisaabta oo wax ka dhiga jaamacadda Oxford iyo koox uu hoggaaminayo ayaa daraasad ay sameeyeen ku sheegay in sii jiritaanka xidhiidhka jacayl ee ka dhaxeeya lammaanaha lagu ogaan karo hab-xisaabeed.

QAAB XISAABEED Guusha Mustaqbal ee Jacaylka lagu cabbiray

QAAB XISAABEED Guusha Mustaqbal ee Jacaylka lagu cabbiray

Professor James Murray iyo asxaabtiisa oo cilmi-baadhistooda ku sameeyey 700 oo lammaane waxa ay hore daraasad ku saadaaliyeen heerka kala-tagga lammaanaha taas oo 94% sax noqotay.

Hab-xisaabeedkooda ay adeegsadeen oo ahaa mid aad u fudud, kaliya waxa ay natiijadeeda kala soo baxayeen wada-sheekaysi 15 daqiiqo ah oo dhex mara lammaanihiiba.

Lammaanayaasha oo guryahooda lagu booqanayey, waxa la waydiinayey inay is-hor fadhiistaan isla markaana ay dodo kawada yeeshaan qodobo ay ka mid yihiin lacagta, galmada iyo xidhiidhka uu mid ka kale qaraabadiisa la leeyahay.

Prof Murray iyo kooxdiisu waxa ay diiwaangelinayeen macluumaadka ay ka helaan lammaane kasta waxaanay mid kasta u sheegayeen meelaha ay ku saxsanaayeen iyo meelaha ay ku qaldanaayeen. Dhibcaha ay siinayeen ayaa ka bilaabmayey +4 ilaa -4.
Lammaanaha ay doodooda ka muuqatay Jacayl, maad iyo farxad intii ay hadlayeen ayaa la siiyey dhibcaha ugu badan, halka kuwa ay dooddooda ka muuqatay danayn-la’aan ka kale fikirkiisa iyo inay dooddoodu dhasho inay gacan hadlaan iyagana waxa la siiyey dhibcaha ugu hooseeya.

Professor-ku waxa uu sheegay in dhibcaha laga qaaday ninka iyo naagta loo dhigay qaab xisaabeed isla markaana lagu muujiyey garaaf. Goobta ay ku kulmaan laba layn waxa ay muujiyeen fursadda uu guurkaasi u leeyahay inuu guulaysto iyo inuu fashilmo.

“Waxaan wali la yaabbanahay si shucuurta bani’aadamka loogu dhigi karo hab-xisaabeed isla markaana saadaal laga samayn karo,” sidaa waxa yidhi Professor Murray. Isaga oo sii watana waxa uu yidhi, “Waliba, waxa kale ee iga yaabiyey ayaa ah sida wada-xaajoodka lamaane dhex mara loogala soo bixi karo sida uu yahay is-dhexgalkoodu.” Isaga oo ka hadlaya sida ay ku heleen natiijadooda waxa uu yidhi, “Dhibcaha aanu siino lammaane kasta ayaanu ku habaynay garaaf. Haddii ninka ama naagtu uu fikirkeedu si joogto ah u noqdo mid taban, markaa waxa dhow inay is-furaan.”

Professor-ku waa uu sheegay in lammaanayaasha is-qaba loo qaybiyo shan kooxood – kuwaas oo laba ka mid ah xasiloon yihiin, labana aanay xasilloonayn, midna labadaa u dhexeeyo. Isaga oo kuwan ka hadlayana waxa uu yidhi, “Kooxda ugu horraysaa waa lammaaneyaasha waara, waana lammaane deggen, isku kalsoon isla markaana is-caawiya kuna wadaasha noloshooda xidhiidh jacayl ku dheehan yahay. Waxay doorbidaan inay fikirkooda wadaagaan. Kooxda labaad waxa loo yaqaan ka-hortageyaal. Waxay isku dayaan inay ka hortagaan iska hor imaan iyo is-faham waa soo dhex gala. Kaliya waxa uu midba ka kale ugu jawaabaa si uu ku qanco ka kale.”

Sidoo kale Professor-ku waxa uu yidhi, “Xidhiidhka ugu deggen ee lammaane wadaago waa ka ay u arkaan inuu guurka muhiimaddiisu tahay wehel, ubad iyo mustaqbal.” Waxa uu sheegya inay jiraan koox kale oo lammaanuhu ay wadaagaan jacayl laakiin murankoodu badan yahay. Kuwani waxay isugu jiraan qaar deggen iyo qaar aan deggenayn laakiin inta badan wada-noolaanshahooda farxadi kama muuqato.

Kooxda ugu dambaysa waa lammaaneyaal mid ka mid ahi uu daan-daansi badan yahay isla markaana raba inuu murmo halka ka kale aanu jeclayn inuu kala hadlo qodobka uu ka kale danaynayo.

Xigasho Somalilandpost.net.

You must be logged in to post a comment Login