Al-Shabaab oo ka warbixisay halka ay ku dambeeyeen iyo sida ay u dhinteen Kooxdii fulisay weerarkii Westgate

Soomaaliya(Aftahannews):- Shabakad wareed ay Barta Internet-ka ku leedahay Kooxda Al-Shabaab, ayaa lagu baahiyey warbixin ka warramaysa weerarkii bishii hore lagu qaaday xarunta ganacsiga Westgate Mall magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, isla markaana waxa lagu sheegay in Kooxdii hubaysnayd ee weerarka ka fulisay xaruntaas oo ay afar cisho haysteen ay dhammaantood wada dhinteen.

article-2430324-183515F300000578-732_634x464

Weerarkaas oo ay Al-Shabaab Masuuliyaddiisa sheegatay, ayaa kooxda fulisay ay ku ekeeyeen ama ku qaadeen dhismaha xarunta ganacsi ee Westgate, kaasoo la ay ku dhinteen dad ka badan 70 qof, boqollaal kalena ku dhaawacmeen. Al-shabaab ayaa sheegtay in Ragga weerarka qaaday ay xubno ka ahaayeen qaybta naftood-hurayaasha ah ee kooxdu ay leedahay.

“Ragga weerarka qaaday waxay ahaayeen walaalo si iskood ah isugu xilqaamay inay galaan gudaha cadowga oo ay khasaare gaarsiiyaan ka hor intii aan cadowgu dilin.” ayaa lagu yidhi Warbixinta ay soo saartay Xarakada Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa beenisay in Raggii weerarka qaaday ay isku dayeen inay goobta ka baxsadaan, iyagoo wax lala yaabo ku tilmaamay hadal uu hore u jeediyay Taliyaha Ciidammada Milliteriga Kenya Julius Karangi oo sheegay inay doonayeen kooxda weerarka qaaday inay baxsadaan. Waxaana Warbixinta oo arrintaa lagaga hadlayo lagu yidhi; “Karangi wuxuu isku dayay inuu ka been-sheego Mujaahidiin doonayay inay naftooda huraan isagoo sheegay in Ragga weerarka qaaday ay doonayeen inay baxsadaaan.”

Warbixinta ay Al-shabaab kaga hadashay qaabkii loo fuliyay weerarkaas Westgate, ayaa waxay xiganaysaa Afhayeenka Malleeshiyada Al-Shabaab Sh. Cali Maxamuud Raage (Cali-Dheere), kaasoo ku sheegay warbixinta in wixii ka dhacay Westgate aanu ahayn dagaal ee uu ahaa keliya farriin loo dirayay dawladda Kenya. “Westgate wixii ka dhacay ma ahayn dagaal waxay ahayd farriin, laakiin dagaalka runta ah hadda ayuu soo socdaa.” Sidaa ayuu yidhi Sh. Cali-dheere.

Warbixintan ay Kooxda Al-shabaab soo saartay, ayaa noqonaysa tii ugu horraysay oo muujinaysa in Raggii weerarka qaaday ay ku dhinteen goobtii dagaalka, ayaa waxay meesha ka saaraysaa warar hore ay warbaahintu u tabisay oo sheegayay in kooxdii weerarka qaadday ay baxsadeen.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.