Madaxweyne Ma Ogtahay!? Qormo Xiiso leh – W/Q: Maxamuud Saleebaan Iidle

MAXAMUUD SALEEBAAN IIDLE QORMADA MA OGTAHAY 2020.jpg
MAXAMUUD SALEEBAAN IIDLE QORMADA MA OGTAHAY 2020.jpg

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Mudane, ma ogtahay mase laguu sheegay in Magaalada Hargaysa  iyo Dhammaanba Dhulkeeni kumannaan Carruur ah iyo Waalidiintoodii ay baahi la jiifaan ilmaduna ka qubaneyso? 

MAXAMUUD SALEEBAAN IIDLE QORMADA MA OGTAHAY 2020.jpg
MAXAMUUD SALEEBAAN IIDLE QORMADA MA OGTAHAY 2020.jpg

Mase ogtahay Madaxweyne xataa in la’ la’yahay cid u qaylo-dhaamisa, sababtuna ay tahay  NGO-yadii magaca masaakiinta ku Shaqaysan jirey oo haatan  helay magacyo kale oo lagu qadhaabto. 

Intaa kuma eka’ Mudane, ee waxa kale oo jira kuwii magaca bulshada rayidka ah ku hadli jirey in iyana markey siyaasiyiin noqdeen ay iska aamuseen, qaar kalana ay cabsi iyo wel-wel la argagaxsan yihiin!

MADAXWEYNE MUUSE BIIXI ABDI 2020
MADAXWEYNE MUUSE BIIXI ABDI 2020

Mudane Madaxweyne, ma la socotaa sicir bararka ka jira gebi ahaanba dalkeena Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargaysa oo miskiin koriso ahaan jirtey in Hargaysa iyo meelo badan oo kaleba ka dhigay miskiin caydhiso? Waqi xaadirkan waxaa Hargaysa lagu tilmaamaa in ay ka mid noqotay magaalooyinka afrika ugu qaalisan xaga nolosha.

Madaxweyne, ma ogtahay in magaalada Hargeysa uu ka socdo boob la boobayo  dhulkii dowladdu lahayd oo ay boobayaan ganacsato iyo mas’uuliyiin aad adigu wareegto ku magacowday?

Ma qiyaasi kartaa Madaxweyne, baaxadda uu gaadhsiisan yahay argagaxa, cabsida, xorriyad la’aanta iyo caddaalad-darrida ka jirta Hargaysa oo xadhig sharci-darro ah iyo Mandheera laysugu hanjabo, gaar ahaan madaxdu ay shacabka iyo dadka danyarta ah ugu hanjabaan kolka hawli dhexmarto, waa caasimadda Somaliland-‘e?

Madaxweyne ma ogtahay Aqoonyahan, ganacsato dalka u dhashay iyo kuwo maalgashiyo ka waday inay wanjal iyo u quudhi waa ugu xidhan yihiin Xabsiyada dalka iyo Saldhigyada Booliska ee JSL?

Hadaba Mudane ma ku xisaabtantay in dhibbane kasta adiga uu ku soo eegayo? Maxaa yeelay amaanadii cirka iyo dhulku diideen ayaad doontay tar-tan u gashay una dhaaratay kolkii eebe kugu simay, mudane madaxweyne iminkaba yaqiinso oo ogow xisaabteeda adduun iyo aakhiraba in ay adiga kuu taalo.

FG:- Mudane, Dhibbane, Xilside, Anigu farriinta keliya ee aan kuu soo jeedinayaa; waa  ku dhaqanka Shareecada Islaamka iyo isku xukminteeda, ilaalinta Cadaaladda iyo fulinta Garsoor xaq ah.

Sarraynta Sharcigu, waa in Qof walba Adigana ku dhahoo Sharcigu ka sarreeyo iyo inaad dhex ka ahaato muranka siyaasadeed ee golayaasha dowladda mararka qaar ka dhex kaca oo aadan garabsiinin kooxda kuu dhow ama dano siyaasadeed oo gaari kaala dhexeeyaan. Mudane waa inaad sharciga la tiigsataa cidkasta oo burinaysa ama ka hor imaanaysa shuruucda iyo dastuurka dalka u yaal, adoo ku daraya fayjignaan, fiiro dheer iyo dadaal.

Mudane Madaxweyne Allaah (SWT), waxaan kaaga baryayaa in uu kuu fududeeyo gudashada ammaanada culus ee aad sido iyo dhammaanba waajibaadka ku saaranba.

W/Q Mohamoud Salleban Eidle.