Tageerayaashii Cirro u Codeeyay oo Madaxweyne Biixi Ballan-qaad iyo Mahadnaq isugu Daray

Goda-weyn(aftahannews):- Odayaasha iyo Dadweynaha ku dhaqan degmada Go’da weyn oo ka mid ah meelihii aadka looga taageeray Xisbiga Waddani doorashadii madaxtooyada ee 2017-kii, ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uga mahad-naqay xilka uu u dhiibay Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Biyaha Maxamed Xasan Dirir oo ay sheegeen inay aad ugu farxeen markii uu Madaxweynuhu xilkaas u magacaabay.

Dadweynaha iyo Odayaasha Go’ada-weyn oo soo dhaweeyey Agaasime Maxamed Xasan Dirir oo booqasho ku tegay degmadaas, ayaa ballan-qaaday inay codkooda siiyaan doorashada soo socota Madaxweyne Muuse Biixi, isla markaana waxay u soo jeediyeen inuu ka shaqeeyo horumarka degmadaas oo ay tilmaameen inuu wax fiican oo adeegyada bulshada ah ka hirgeliyey Maxamed Xasan Diriri isagoon xil haynin.

Haddaba, Dadweynaha Degmada Go’da-weyn ee gobolka Saaxil oo baahiyahooda, mahad-naqooda iyo baaqoodaba Warbaahinta mariyey, aannu hadalladooda idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.