Weerar ka dhacay Dalka Faransiiska oo Dad ku Dhinteen iyo Wararkii ugu dambeeyey

BOOLISKA FARANSIISKA OO TEGAY GOOBTA WEERARKA LAGA SAMEEYEY 2020
BOOLISKA FARANSIISKA OO TEGAY GOOBTA WEERARKA LAGA SAMEEYEY 2020

Nice(aftahannews):- Booliska Faransiiska ayaa sheegay in nin ku hubeysnaa toorreey uu saddex qof ku dhex dilay kaniisad ku taalla magaalada Nice ee dhacda koonfur bari ee badda Mediterranean-ka Faransiiska.

BOOLISKA FARANSIISKA OO TEGAY GOOBTA WEERARKA LAGA SAMEEYEY 2020
BOOLISKA FARANSIISKA OO TEGAY GOOBTA WEERARKA LAGA SAMEEYEY 2020

Duqa magaalada Nice, Christian Estrosi, ayaa weerarka ku tilmaamay mid argagixiso, waxaanu sheegay in Haweeneey ka mid aheyd saddexda qof ee la filay la helay iyada oo gowracan.

FARANSIISKA OO WEERAR DAD KU DHINTEEN LAGA FULIYEY 2020.jpg
FARANSIISKA OO WEERAR DAD KU DHINTEEN LAGA FULIYEY 2020.jpg

Labadan qof, ayaa kala ahaa Haweeney iyo nin lagu gowracay gudaha kaniisadda, sida ay wararku sheegayaan. Haweeney kale oo ku carartay maqaayad u dhoweyd goobta uu weerarka ka dhacay, ayaa la sheegay in qofka weerarka fuliyay uu dhowr jeer toorrey ku dhuftay, dhaawac ka soo gaarayna ay u geeriyootay.

Weerarkan ayaa daba socda mid kale oo horraantii bishan ka dhacay meel u dhow iskuul ku yaalla waqooyi galbeed magaalada Paris. Samuel Paty, oo macallin ka ahaa iskuulka Conflans-Sainte-Honorine, ayaa la gowracay maalin kaddib markii uu qaar ka mid ah ardaydiisa tusay sawir-gacmeedyo la sheegay in laga sameeyay Nabi Muxamad NNKH.

Dalal badan oo Islaam ah oo ay Soomaaliya iyo Somaliland ku jiraan, ayaa cambaareeyay arrintaas, isla markaana laga sameeyey bannaan-baxyo lagaga soo horjeedo aflagaaddaynta Nebi Muxamed ee dalka Faransiiska ku soo noqnoqday, iyadoo dalalka kale ee Islaamka qaar ay ku baaqeen inaan la iibsan badeecadda ka timaadda dalka Faransiiska.

Dilka macallinka, ayaa xiisad ka abuurtay dalka Faransiiska, iyadoo dowladda dalkaas ay ku baaqday in lala dagaallamo xagjirnimada Islaamka, arrintaas oo ka careysiisay dalal badan oo Islaam ah. Waxaanu weerarkani noqonayaa, weerarkii saddexaad oo dad lagu dilo oo ka dhaca Faransiiska muddo laba bilood gudahood ah.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.